Wiil dhalinyaro ah ayaa baaskiilad uu watay ku dhuftay islaan da’ ah. Halkii uu ka kicin laha kana cudur daarna ka siin lahaa ayuu qoslay oo degdeg iskaga dhaqaaqay . Islaantii ayaa ka daba qaylisay oo ku tidhi “ Alaab ayaa ka dhacdaye soo noqo”. Si degdeg ayuu usoo noqday oo meeshii ka baadhay waxa ka dhacay. Laakiin waxay ugu jawaabtay “ haku daalin baadhista waxaa ka dhacay sharaftaadii weeyi, weligeedna ma helayside”. Sidaas ayay dhalinyaro badan u samaynayaan arriimo xunxun oo aanay ku baraarugayn sida ay u dhaawacayso sharaftood.