Khubaro Saynisyahano Helay Xayawaan Noolaa 500 Million Oo Sanno Ka Hor

0
329

Saynisyahanada jaamacadda Cambridge University ee wadanka Ingiriiska ayaa helay  iyaga oo kaashanaaya jaamacadda Yunnan ee dalkaasi Chine xayawaan ay sheegeen in uu noolaa muddo laga joogo 500 million oo sanno,kaas oo hadda noqday shidaal ,aadna ugu badnaa gobolka Yunnan ee dalkaasi Chine.
Xayawaankan ayaa lagu sheegay inuu ahaa ka ugu dheeraa ee dunnida waqtigaasi ku noolaa,waxaanay sidoo kale heleen xayawaan dirxi ah oo lagu magcaabo Monster Almhar Colinseyoum,kaas oo ay sheegeen inuu ahaa dirxiyadii ugu horeeyey ee caalamka lagu arko noocan oo kale ah.
Xayawaankan ayay khubaradu sheegeen in uu ahaa mid marna la waayi jiray marna la heli jiray ,kaas oo ay sheegeen inuu ahaa mid muqaal ahaan layaab ahaa,muddo kadibna xayawaankaasi waxay sheegeen inuu noqday mid la waayey.
Javier Ortega Arnandat oo kamid ahaa khubaradan ayaa sheegay in qaabka noloshan  uu ku noolaa habkeedu uu ahaa mid aad u adkaa waqtigaasi,waxaanay sheegeen in aan dib loogu arag caalamka xayawaankaasi .
Khubaradan ayaa sheegay in xayawaankan laga heli jiray 515 ama 518 million oo sanno ka hor uu ahaa sida ay sheegeen rumaysan yihiin inuu ahaa xayawaankii ay ka yimaadeen xayawaano badan oo maanta nool.
Xayawaankan ayaa lagu magcaabi jiray siday khubaradu sheegeen Alcolinseyoum ,kaas oo dherer ahaan gaadhaayey 10 Centimeters,kaas oo ahaa mid miciyo ama ilko aad u dhaadheer hareeraha ku lahaa ,kuwaas oo iyaguna gaadhaayey ilaa 72 centimeters,waxaanu xayawaankani lahaa 9 lugood oo xaga hore ah.
Khubaradan ayaa aaminsan in la dhigo xayawaankan lafihiisa la helay Royal Ontario masxafka la yidhaahdo iyo sidoo kale maskaxfka ay lee dahay University of Toronto,waxaanay sheegeen in xayawaanadan intoodii badnayd ay noqotay shidaal ,lafahanina ay yihiin kuwo si adag lagu helay.
 
 

Leave a Reply