Gabilay (DAWAN)-Maamulka gobalka Gabilay ayaa qaabilay wefti culumo ah oo ka socday jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar, kuwaasi oo booqasho maalamahan dalka ku joogay.
Badhasaabka gobalka Gabilay Md Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay culimadan ayaa ka warbixiyay ujeedada socdaalka weftigan culumada ah ee ka socday jaamacada Al-Azhar ,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isagoo arrintaasi sharaxaya,“weftiga culumada ah ee ka socday jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar oo u yimid dalka inay dadka ku baraarujiyaan diinta Islaamka iyo wanaageeda, iyada oo aynu ku jirno bishii barakeysnayd ee Ramadaan, markaa aniga oo uu I wehelinayo badhasaab ku xigeenkii gobalka Gabilay iyo taliyihii qaybta booliska gobalka Gabilay iyo musuuliyiin kale, waxa aanu Culimadan ku qaabilnay xafiiskayga waxaanu ku baraarujinay sida ay muhiimka u tahay adkaynta xidhiidhkii wanaagsanaa ee ka dhaxayn jirey labada dal iyo Sida aynu ugu baahanahay in ay dowlada Masar uga qayb qaataan oo ay gacan naga siiyaan xagga waxbarashada dhalinyarada haday noqon lahayd luuqada, haday noqon lahayd culuumta diiniga ah”.
Md Mustafe shine, waxaa uu sheegay inuu waftigan ka codsadey in dugsigii jaamacada Al-Azhar ay gacanta ku hayn jirtay la keeno Gabiley, waxaanu yidhi, “ka badhasaab ahaan waxaan waftigan u gudbiyay codsi ah in dugsigii jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar ay gacanta ku hayn jirtay Gabiley la keeno, waanay balan qaadeen in codsigasi ay u gudbin doonaan dowlada Masar. Waxaanay culimadani kala hadlidoonaan bulshada reer gabilay masaajidada inta ay nala joogaan”.
Culimadan ka socotey jaamacada Al-Azhar ee dalka Masar, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadaan dalka Somaliland waxaanay ka mahad celiyeen sida diiran ee shicib iyo dowladba loogu soo dhaweeyay Somaliland, waxaanay tilmaameen in ujeedada socdaalkoodu yahay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Masar iyo sidii ay ummada ugala qayb qaadan lahayeen gudashada bisha barakaysan ee Ramadan.
Dawannews Hargeysa office