Shirkadda Google Oo Soo Saartay Qalab Caafimaad Oo Cusub

0
303

Shirkadda Google ayaa soo saartay qalab cusub oo ay ugu talo gashay dhinaca caafimaadka,kaas oo loo bixiyey Secret Laboratory,kaas oo gacanta lagu xidhanaayo,waxaana qaybtan markii ugu horeysay soo bandhigtay qaybta caafimaadka ee shirkadda Google.
Qalabkan ayaa lagu xidhanayaa meelo jidhka kamid ah ,gaar ahaana gacanta ,waxaanu noqonayaa qalabkani mid sheegaaya dawada aad qaadanaysaa siday tahay ,sidoo kalena xanuunku hadba xaalada uu maraayo ,taas oo qofka u fududaynaysa inuu la socdo xaaladiisa.
Waxaanu qalabkani yahay mid qaylinaaya ama laydh shidaaya marka uu dareemo is bedel dawo ama xaaladeed oo ka duwan tii hore .
Khubarada qalabkan gacanta ku haysa ayaa sheegay in ay ugu talo galeen qalabkan inay isticmaalaan dhakhaatiirtu,iyada oo aan marka hore suuqa lasoo gelin doonin,wixii intaas ka dambeeyana dhakhaatiirta lagala tashan doono.
Khubaradan ayaa sheegtay in ay ku caawinayaan mustaqbalka dhakhaatiirta iyo dadkaba,taas oo keeni karta inay wax weyn ka bedesho xaaladaha caafimaad ee caalamka,waxaanay sheegeen inay ku dari doonaan qalabkan qayb sheegi karta inta hore ee aanu xanuunku soo wada bixin ,si wax looga sii qabto.
Qalabkan ayaa qaybo kamid ahi ku jiraan tijaabo,halka inta kalena samayntooda la wado,waxaana suuqyada la soo gelin doonaa dhowaan siday khubaradan gacanta ku haysaa sheegeen,kaas oo noqon doona caag yar oo gacanta lagu xidhan doono sida caagaga yar yar  ee lagu xaragoodo.

Leave a Reply