Suldaan Bogaadiyay Dib u Doorashadda Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoonbiya

0
321

Hargeysa (Dawan)- Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi ayaa  bogaadiyay  Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo  Baarlamaanka dawlad deegaanku ay  dib ugu doorteen  markii labaad shanta sannadood ee fooda innagu soo haysa.
Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu sidan ku sheegay qoraal  uu  na soo gaadh siiyay oo u qornaa sidan:-
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  Md. Maxamed Cabdi Cumar, oo baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalidu ay cod aqlabiyad ah markii labaad ugu doorteen Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar, oo ay ku qanceen waxqabadkiisii shantii sannadood ee la soo dhaafay isla markaana ay garwaaqsadeen in loo baahan yahay inaan la kala jarin himilooyinka horumarineed ee deegaanka Soomaalida Itoobiya hawaysanayo.
Waxaan leeyahay Madaxweyne waxaan rajaynayaa in dib u doorashadaadu ay fursad u noqoto inaad ka sii jibo keento horumarkii iyo wax-qabadka balaadhan  ee aad hore deegaanka uga fulisay. Waxa aan doorashadaada u fahmay in ay tahay rabitaanka bulshadda oo doortay inay  horumarkooda ka fikiraan. Waxaan rajaynayaa in mashaariicdii waaweynaa ee iskugu jiray horumarinta adeegyadda daruuriga ah sida waxbarashadda, caafimaadka, biyaha iyo kaabeyaasha dhaqaale aad wax weyn oo kale ku dari doonto. Waxaan kuu rajaynaynaa in EEBE kugu asturo xilkaas culus ee aad u qaaday ummadaada.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply