Qorshe Lagu Maal-gelinayo Ganacsiyadda Dhalinyarrada Oo Laga Furay Hargeysa

0
308

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda maalgelinta ganacsiyada ee la yidhaa KIMS (Kaah Islamic Microfinance Service), ayaa bilowday barmaamij cusub oo qayb ka ah mashaariicdeeda oo lagu taageerayo abuurista ganacsiyada dhallinyarrada dalka.
Barmaamijkan oo loogu magac-daray KIMSPLUZ, kaas oo ujeeddadiisu tahay in shirkaddu ku maalgeliso ganacsiyada hoose iyo kuwa heerka dhexe ee dhallinyarada reer Somaliland, halkii markii hore taageeradeedu ku koobnayd kobcinta meheradaha yaryar, iyadoo la siinayo lacago amaah ah oo waafaqsan nidaamka Islaamka.
Xaflad loo sameeyey shaacinta bilowga barmaamijkan oo lagu qabtay huteelka Safari ee magaalada Hargeysa Salaasadii, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim Cumar, agaasimayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Rugta Ganacsiga, madaxda shirkadda KIMS, Ururka Shaqodoon, xubno ka mid ah dad badan oo ka faa’iidaystay mashaariicda maalgelinta shirkaddan iyo dhallinyaro lagu casuumay.
Guddoomiyaha shirkadda KIMS Mr. Cabdillaahi Cabdi Cawad, ayaa ka warbixiyey shaqada ay qabato shirkaddiisa oo la hirgeliyey sannadkii 2013-kii, waqtigaasi oo shirkadda ka shaqaysa arrimaha lacagaha ee Kaah ay go’aansatay inay samayso barmaamij wax lagaga qabto shaqo la’aanta iyo baahida dalka oo laga baxo ku tiirsanaan caawimooyinka dibadda, laguna dhiirigeliyo dhallinyarada oo loo abuuro ganacsiyo, balse daraasad dheer kadib shirkaddu si rasmi ah ay u hawlgashay bishii June ee sannadkii 2014, isla markaana ay qorshahooda ku guulaysteen, maadaama hore ay u fashilmeen dad fara badan oo isku dayey hawshan muddada dhawr iyo labaatanka sanno ee Somaliland jirtay.
 
“Muddadaas waxa maalgelinta shirkadda KIMS ka faa’iidaystay in ka badan 3,000 qof oo u badan dhallinyaro iyo dumar oo loo abuuray ganacsiyo yaryar dad kala duwan oo ganacsiyadda yaryar ee Somaliland ku jira, tusaale ahaan KIMS shaqo abuur toos ah u samaysay 40 qof magaalada Hargeysa, waxay maalgelisay ilaa saddex kun oo shirkado yaryar ah, waxaannu daraasadaynay in shirkad la maalgeliyey mid waliba shaqaalaysay laba qof. Markaa KIMS waa shirkad keliya ee ugu horreeysay ee ganacsi ah ee fulisa Microfinance, intii ka horeeysay NGO ayaa maamuli jiray, markii aanu arrintan samaynayn waxaanu samaynay daraasad rasmi ah oo aanu ku ogaanayno wixii fashiliyay shirkadihii iyo hay’adihii hore,” ayuu yidhi Mr. Cabdillaahi.
Maxamed Cabdi oo ka socda ururka Shaqodoon ee Somaliland oo ka shaqeeya inuu dhallinyarada ka taageero shaqaalaysiinta iyo xirfadaha shaqo abuurka, ayaa sheegay inay barmaamijkan oo ay ka wadashaqaynayaan shirkadda KIMS kaga qaybqaadanayaan tababarida dhallinyarada ku guulaysta maalgelintan ee aqoonta maamulka shaqada si looga hortago in ganacsi ka burburo.
“Barnaamijkan maanta (shalay) la daah-furayo oo ay iska kaanayaan KIMS iyo shaqodoon, annaga muhiimadayadu waxa weeye in dhallinyarada la siiyo aqoontii ay ku maamuli lahaayeen ganacsiyada ay abuurayaan,” ayuu yidhi.
 
Cawaale Maxamed Muuse oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada iyo Xasan Faarax Maxamed oo ka socday Rugta Ganacsi Somaliland oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa soo dhaweeyey barmaamijkan cusub ee shirkadda KIMS hirgelisay, kaas oo ay tilmaameen inuu ka wax ka qaban doono shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka, gaar ahaan dhallinyarada oo u baahan jihayn iyo taageero ay ka helaan ganacsatadooda.
Dhinaca kale, Maxamed Axmed Ciise iyo Hibo Cabdillaahi Ismaaciil oo ka mid ah dhallinyaradii hore uga faa’iidaystay maalgelinta shirkadda KIMS, kadib markii meherado ganacsi yaryar oo ay lahaayeen loo kobciyey, ayaa ka hadlay isbeddellada u dhexeeya ganacsiyadooda maalgelinta ka hor iyo waqtigan halkay marayaan oo ay sheegeen inay aad u kala fog yihiin oo ay aad kor ugu kaceen, isla markaana abuureen dakhli sababay in mid waliba shaqaalaysiiyo dhawr qof oo meherada ka shaqeeya. Waxa kaloo ay u mahadceliyeen shirkadda KIMS oo ay ku tilmaameen furaha guusha ganacsigooda, iyagoo ku dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaalkooda.
Ugu dambayntii, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim Aw Cumar oo soo gunnaanaday xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey barmaamijkan oo uu xusay inuu muhiimad wayn leeyahay, “Wasaaradda Ganacsigu markasta waxay soo dhawaynaysaa cidkasta oo shaqo u abuurta dhallinyarrada, balse maanta daah-furka barnaamijkan oo uu ka horreeyay mid ay dhallinyaro badani ka faa’iidaysteen waa mid muhiim ah, waxaanan leeyahay halkaa ka sii wada dadaalka dhallinyarada, maadaama oo aad u hagar-baxdeen inaad hawshan dhallinyarada ganacsi ugu abuuraysaan oo aad uga faa’iidaysaan in qofku noqdo shaqsi isku filan oo nolosha la wadaaga dadka kale,” ayuu yidhi Wasiir Qaasim.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply