Maraykanka: Isha Biyaha Shaydaanka

0
608

Dunidan waxa ka buuxa muuqaalo cajiib iyo yaab leh, illaha biyaha ahi waa kuwo qurux badan oo dadku jecel yihiin. Laakiin illah biyaha shaydaanka ee Maraykanka waa kuwo ay ku wareereen culimadu mudooyin badan. Waxay ku taalla gobolka Minasoto goobta Judge Magney State Park. Biyahan aya laba meelood ukala qaybsama waxay u leexta bari ila ay gaadhaan webiga Brule. Qaybta kale ee biyahan aya tagta galbeed goobo dhagxan waaweyn ah oo hogag ah. Hogagaasi oo lagu qiyaasay joogooda saddex mitir aha ayay ku dhacaan biyuhu,. Waxase yaab noqotay oo ila wahktigan la garan la’yahay intaasi ka dib biyahni ay qarsoomaan lamana arko xaga ay tagaan.  Arintaasi ayaa keentay in loo bixiyo magaca Isha shaydaanka. Iyadoo wakhtigan heer sare laga gaadhay technolojiyada haddana weli lama hayo tafsiir dhab ah oo cadaynaya halka ay biyahani tagaan. Culimada aya kubad racaayay biyaha si ay u ogaadaan halka aya gaadho lakiin weli lama hayo natiijo dhab ah.

Leave a Reply