Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Nin Suldaan Sheegtay Oo Lagu Xidhay Baaq Qaranimadda ka Dhan ah

0
336

Hargeysa  (Dawan) –  Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka hadlay nin suldaan sheegtay oo la yidhaahdo Maxamed Muuse Cunne oo todobaadkan ay ciidamada amaanka gobolka Togdheer xabsiga u taxaabeen, maarkii uu dadweynaha ugu baaqay inaanay bixin wax cashuur ah.
Badhasabku  Waxa uu sheegay in Suldaanku ku gefay Dastuurka iyo shuruucda dalka islamarkaana uu ku kacay hadalo ka dhan ah qaranimada iyo dawladnimada Somaliland.
Md. Maxamed Muuse Diiriye oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay xadhiga Suldaankan waxa kale oo uu sheegay in uu ku jiro xabsiga magaalada Burco, dacwadiisana ay u gudbiyeen Maxkamadda, isla markaana caddaalada la horkeeni doono sida ugu dhakhsaha badan.
“Madaxdhaqameedku wuxuu ka mid yahay Ummadda reer Somaliland, haddii uu dambi galana waa la xidhayaa, waxaan u malaynayaa inaad Tv-yada ka daawateen hadaladii Ninkaa  Suldaanka ah, waxa uu gaadhay cashuur yaan la bixin, ha la gadoodo, ha lagu kala tago meesha oo qaran dhan oo idinku (Warbaahinta) aad ka mid tihiin oo aad arkayso maanta halka aynu ku noolanahay iyo nabaddgeylyada aynu haysano ayuu yidhi ha lagu kala tago oo ha la kala diro.”
Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxa kale oo uu intaa ku daray “Cid alaale iyo cid aqbalaysaa ma jirto iyo wixii kale ee sidaa u hadla xadhiga wey u qalmaan oo waa la xidhayaa. Dawlad baynu nahay sharci iyo kala dambayn leh, haddaynu ku socon weyno oo Nin siduu doono iskaga hadlo dawladimadu jiri mayso, hadduu Nin walba erayga uu doono iyo si walba u tallaabsado, qaranimadan in aynu wada ilaashano ayaa loo baahan yahay  oo in idinka laftiina su’aalaha  caynkaas oo kalle ah isaga inaad weydiisaan  ama aad faallaysaan oo tidhaahdaan muxuu ku mudan yahay qofka caynkaas ahi Ummadda inaad tidhaahdaan weeyaan?, oo idinku (Warbaahinta) Fallo weyn ka bixisaan baa loo baahan yahay.” Ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer.
Badhasaabka Gobolka Togdheer isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa u yidhi “Maaha in qofka caynkaas ah in aynu khaladka ku sii horgalno oo aynu gacan ku siino oo u arkayo inuu lib ku helayo, inuu u arko maaha, waxa la idiinka baahan yahay haddii aad Warbaahinta tihiin in qaranimada aad u dhalateen ee aad ku dhexdhalateen in hortiina lagu jiid-jiido maahe  inaad u hiilisaan baa la idinka baahan yahay, maalintii ugu horaysay wuxuu yidhi cashuur yaan la bixin,  dawladnimo meesha  ma jirtee ha lagu kala tago. Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara’e, afkaa dumiya wax, afkaa rida wax, afkaa dila wax, haddii aanay afxumo iman  dagaal iyo is qabsi ma yimaado.” Ayuu yidhi Md. Maxamed Muuse Diiriye
Sidoo kale Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo warbaahintu weydiisay in Suldaankan ay Maxkamad u gudbinayaan iyo sababta uu uga soo maqan yahay Burco, waxa u ku jawaabay “Xeerilaalintaanu nidhi ku soo ooga dambigaa uu Ninkaasi geystay wixii uu arrintaa ka qabo, Xeerilaalintaa gudbinaysa  sidaasaa lagu geynayaa Maxkamadda, Maxkamad la’aan iska haynmayno. Taa aad imika iga waraysanaysaa ka mid ah, adduunku maanta waa Tuullo oo magaaladayadii Burco igama foga Jeebkayganay ku jirtaa, haddii aan ka imaadana hawl ay leedahay uun baan u imaadaa inta badan.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply