“Dhibaataddu Waa Hay’ad Xarumo Caafimaad Taageeraysa Ka dibna Masharuucii Ka Dhammaanayo”

0
341

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaarada Dr. Yuusuf Axmed Cali ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay kulan lagu qiimeynayo adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimeed ee hooyada iyo dhalaanka ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xunta wasaarada caafimaadka ee Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay hawlwaneedada iyo masuuliyiinta xanaanooyinka dalka intooda badan iyo sidoo kale hayadaha gacanta siiya wasaarada caafimaadka, waxaana kulkaasi lagu lagu gorfeeyay sidii loo joogtayn lahaa adeegyada ay xarumahani bixiyeen iyo sidii kor loogu qaadi lahaa meelaha baahiyaha caafimaad ay ka jiraan.

Ugu horayna waxa halaas ka hadalay wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise Xaglo-toosiye isaga oo ka waramay qorshayaasha larabo in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee dalka, isga oo sidoo kale daboolka ka qaaday in wasaaarada caafimaadku ay go’aansatay inay iskeed u taagnaato isla markaana ka maaranto taageerada hayadaha aan la isku halayn Karin, waxaan uu wasiirku yidhi “Shirkan waxa uu ku saabsan yahay sidii loo dar dar galin lahaa labada gobol ee Sool iyo Maroodi-jeex oo aanu ka socon barnaamijka IPSS-ka, marka wasaaradu aragtay mushkalada noocaas ah ee ka jirta labada gobol waxaanu u yeedhnay hayadaha Un-ta iyo hayadaha kale ee taageera si looga wada hadlo sidii loo ogaan lahaa baahiya ka jira isla mar ahaantaana loo dabooli lahaa, qorshaha wasaarada, waxa weeye in la gaadho wakhti ay xarumaheena caafimaad ay isku filnaadaan oo aanay hay’ad u baahan, waayo dhibaatada ugu wayn ee ina haysataa waxa weeye hay’ad baa xarumo caafimaad odhanaysa waan taageerayaa kadibna masharuucii ay ku soo qaadatay ayaa ka dhamaanaya, kadibna way iska tagaysaa, kadibna xarumihii waxba uma yaalaan, markaa in aynu gaadhno wakhti dhaw insha ALLAH in xarun kasta oo caafimaad hadii haayada taageeraysa ay waayaan na aanay xidhmin ee ay is wado”

Dhanka kalena agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Yuusuf Axmed Cali oo isaguna madashan hadal ka jeediyey ayaa shaqaalaha iyo masuuliyiinta ka qayb galayey kulan hawleedkan ku booriyay inay si daacadnimo iyo hufnaani ku jirta ay u soo ban dhigaan afkaartooda isla markaana ay isku dayaan inay midho fiican ka soo saaraan si ay bulshadeenu ugu intifaacsato isla markaana ugu naalooto adeegyo caafimaad oo dhamays tiran.”

Kulankan ayaa daba socday kormeer dhawaan wefti uu hogaaminayay wasiirka caafimaadka Somaliland,  ay ku galaa bixiyeen xanaanooyinka magaalada Hargaysa, si ay qiimayn ugu soo sameeyaan  isla markaa kor loogu soo qaado adeegyada caafimaad, lana dalac siiyo xanaanooyanka dalka.

 

By. Cabdi M. Safwaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply