Madaxweynaha Somaliland Oo u Kicitimaya Dalka Sucuudiga

0
378

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inuu maanta u kicitimo  wadanka Sucuudiga oo uu u tagayo booqasho iskugu jirta shaqo iyo inuu ku soo cimraysto.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa lagu wadaa inuu maanta ka dhoofo madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport,  isagoo mudada uu joogo dalkaasna kulamo la yeelan doona masuuliyiin kala duwan oo ka mid saraakiisha dawladda Sucuudiga oo uu kala hadli doono sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad iyo iskaashi wax wada qabsi.
Madaxweynaha waxa la sheegay in socdaalkiisan ay ku wehelin doonaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo qeyb ka noqon doona xubnaha weftigiisa.
Dalka Sucuudigu waa suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo xoolaha nool ee Somaliland oo ah isha ugu balaadhan ee dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply