Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybta 15-aad

0
365

Wargeyska “The Guardian” oo wax ka qoray isticmaalka adeegga “Mobile money”, ayaa waxa uu sheegay in isticmaalka “Mobile money” ee Somaliland uu yahay mid ku socdo xawli dheer, hase yeeshee waxa uu intaa raaciyay inuu jiro welwel kale oo ah inuu si laxaad leh u dhaawacayo dhaqaalaha dalka,isla markaana keenayo sicir-barar.
Suxufiga ka socday Wargeyskan oo la yidhaa Gainluca Lazzolino, ayaa waxa uu booqday seyladda xoolaha ee Hargeysa. Waxa uu goob-joog u ahaa xoolo la kala iibsanayo, gaar ahaan  Awrta ilaa iyo baayacaadii ilaa dhammaadkii kala iibsiga hal Awr oo gool ahaa oo la kala siistay siduu qoray $ 1,500 (kun iyo shan boqol oo US dollar) ah.
Halkaa markay marayso, ayaa suxufigu sheegay inaan wax lacag ah oo kaash ah oo la kala qaatay aanay jirin, balse markiiba uu iibsadihii intuu weydiiyay lambarka Mobile-ka ninkii uu Awrka ka iibsanayay  uu si degdeg ah ugu shubay lacagtii lagu heshiiyey, sidaana uu ku dhammaaday kala iibsigii Awrku, iyadoo la adeegsanayo habka lacag wareejinta ee loo adeegsado tiknoolajiyada cusub ee “Mobile money” loo yaqaan.
Habkan cusub ee adeegsiga tiknoolajiyada casriga waxa uu ku tilmaamay suxufigu mid buuxisay kaalin ka bannaanayd Somaliland, taas oo ah kaalintii Baangiyada Ganacsiga oo aan ka jirin Somaliland. Weriyuhu isagoo ka warramaya waqtiyadii hore sidii wax loo kala iibsan jiray, gaar ahaan xoolaha oo kale, waxa uu Yuusuf nin la yidhaa oo uu seyladda ku wareystay u sheegay in haddii uu ninka xoolaha lihi joogo kaash lagu kala qaadan jiray xoolaha, hadduu qofka xoolaha lihi uu goobta ka maqan yahay oo uu  usoo dillaalka uu yaqaan xoolihiisa uu isna markaa lacagta u dhigi jiray xawaaladaha.
Waqtiyadan dambe waxa uu suxufigu xusay sida degdeg ah ee uu adeegga la yidhaa “Zaad”  uga hirgalay Somaliland, kaas oo uu sheegay inuu siduu filayo ka shidaal qaatay adeegga “M-pesa” oo isna si ballaadhan uu isticmaalkiisu ugu baahay dalka Kiiniya.
Adeegga “Zaad” ee Somaliland, sida uu qoray wargeysku, waxa uu dalka ka bilaabay hawlgakiisa 2009kii, waxana daah-furka hawsha lahayd shirkadda “Telesom”, taas oo haatan guul xoog leh ka gaadhay adeeggan, inkastoo aanay wax xeer ah oo ay kula shaqeyso Baanka dhexe jirin, ayuu haddana u muuqdaa adeeggaasi mid la wareegay hawlihii ka ganacsiga lacagta ee Baananka.
Tirada dadka ee isticmaala adeegga “Zaad” ee Somaliland, waxa lagu qiyaasay inay 10% (boqolkiiba toban) ka yihiin tirada guud ee dadka ku nool Somaliland oo siduu qoray wargeysku uu ku qiyaasay ilaa 3.8 milyan (saddex milyan iyo sided boqol oo kun oo qof).
Bulshada isticmaasha adeeggan waxa ay kala  yihiin ka bilow xoolo-dhaqata, Beeraleyda, ardayda dugsiyada ilaa ganacsatada yaryar ilaa kuwa waaweyn ee dibedda wax ka keena.
Waxa kale oo uu intaa ku daray, in qaabka loo isticmaalayo adeegga “Zaad” ay shirkadda “Telesom” ku dhejisay meelo muhiim ah, gaar ahaan caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ee kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, si ay ugu fududeeyaan macaamiishooda adeegga ZAAD.
Muddo sannad aan ka badnayn ayaa uu adeegga “Zaad” si baaxad leh uu uga hirgalay isticmaalkiisu dalka gobolladiisa oo dhan, dadkuna ay iska aaminayn iyagoo aan wax damaanad ah ka haysan shirkadda isgaadhsiinta ee “Telesom”, hadduu adeeggani isticmaalkiisu si uun isku taago. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana ay sannad kasta sii kordhayaan macaamiishooda.
Sannadkii 2011-kii ayaa shirkadda Telesom  ay sidoo kale ka hirgelisay Somaliland Baan la yidhaa SALAAM oo hannaanka dhaqaalaha ee Islaamiga ku shaqeeya, kaasoo laga furan karo xisaab socodyo iyo dhammaan shaqooyinka kale ee Bangiyada ganacsigu qabtaan.
La Soco…………………

Leave a Reply