Ducada Iyo Xuska Allah (sw)

0
1524

Ducadu aad Allah baridaa adigoo is dhul dhigaya waxay cadaynaysaa rumaynta dhabta ah iyo qiradda inaad tahay adoon Allah u baahan.
Ducadu waa xadhig isku xidha cirka iyo dhulka oo ay yaqaanaan oo kaliya adoomaha Alle dhab u rumeeyay.
Ducadu waxa mid ay u siman yihiin maal-qabeen iyo miskiinba waana sida qalbiga loogu jeediyo Allah wakhtiga baryada.
Hababka Ducadu way badan yihiin laakiin waxa muhiim ah:
Qofku ducada Inuu ku bilaabo mahadnaq Allah, ka dibna uu raaciyo Salliga nebiga (scw).
Iyo in aanu adoonku kor u qaadin codka qibladana u jeesto. Waana inuu qalbigiisu noqdo mid soo jeeda. Waana in aanu ducada degdegsan aqbalaadeeda. Magacyada Allah ee wanaagsana waa inuu Allah ku baryo.
Ducadu waa albaab ka mida albaabada farajka.
 

Leave a Reply