Jeelasha Dunida Ugu Naxariista Daran

0
431

Jeelka lagu magacaabo Wan Lii waa jeel go’doon ka ah dunida gebi ahaantiisa. Xukuumadda Kuuriyada waqooyi aya samaysay waxaana lagu xidhaa qof kasta oo laga dareemo in aanu la dhacsanayn siyaasadda dawladda diktaytarka ah, mararka qaarkoodana waxa  lala xidha qoyskiisa. Waxaana dhacda in jeelkani noqdo mid aanu ka soo bixin ilaa inta noloshiisa ka hadhay. Waana jeel ku dhex yaal xero ciidan. Waxaana wakhtigan ku jira 50kun qof sida la sheegay.
Jeelka wuxu ku yaalla dalka Vensuala waxaana lagu magacaabaa Rodyo waana kuwa ugu naxariista daran. Waxaan la sheegay in dawladu ku xidho kuwa denbiyada ka gala bulshada iyo kuwa siyaasaddaba . waxaana la sheegay in qofka mar laga soo daayo uu noqdo qof aan mar danbe wixii uu hore u sameeyay aan ku noqon isagoo cabsi iyo argagax ka qaba in lagu celiyo jeelkaasi oo aan si rasmi ah loo ogayn waxyeelada dadka lagu gaadhsiiyo iyana ma sheegaan marka laga soo daayo.
Jeelka lagu magacaabo Kabana waxa sameeyay madaxweynihii hore ee Cuba Castro, waana mid ka mid ah jeelasha sida waxshinimada ah loogula dhaqmo dadka. Waxa lagu xidhaa dadka mucaaridka lagu tuhmo, wayna ku jiran ila inta ay noqonayaan kuwo taageersan xukuumadda . Iyadoon aan maxkamad la keenin ayay jeelkan dadku iskaga jiran muddo dheer.
 
 
 
 

Leave a Reply