Maxaad ka taqaan xauunka ku dhaca cirridka?

0
611

Xanuunka Cirridka ku dhacaa waa infekshan ku dhaca ciridka, waxaana keena jeermis, Wuxuu yimaadaa marka huuro ay ka buuxsanto inta u dhexeysa ilkaha iyo cirridka. Huuradu “Plaque” waa lakab ilkahaaga ku dhega oo ka yimaada cuntada, jeermiska iyo dheecaanka. Waqti ka dib huurada waxaa ku tarma jeermis cirridka ku dhaca.
Cirridku badanaa kuma dhaawacmo yiridka, laakiin daaweyntiisa muhiim ah.
Cirridku wuxuu ku badan yahay dadka aan cadayan ama aan xarig isaga nadiifin ilkaha dhexdooda. Haddii aan la daaweynin, jeermisku mar kale ayuu imaanayaa waxaana laga yaabaa in uu keeno cudur cirrid oo daran ama ilkaha ku dhaca.
Calaamadaha lagu garto Cirrid xanuunka:
• Cirridka oo guduuta ama casaada.
• Cirridka oo si fudud dhiig uga yimaado.
• Cirridka oo wax bararsan u ekaada ama gadaal uga durka ilkaha.
• Neefta qofka oo urta
Yiridka haddii aan la daaweynin wuxuu keenaa in ilkaha ay soo daataan markii ciridka uu ka durko.
Yaa halis ugu jira Cirrid Xanuunka?
Waxaa halis ugu jiro dadkaan hoos ku xusan:
• Dadka aan si wanaagsan u cadayan,
• Qofka aan caafimaadka ilkahiisa ku dadaalin,
• Dadka tubaakada isticmaala,
• Dadka da’da ah,
• Dadka difaacooda liito oo qaba xanuunada sida aydhiska ama kansarka oo kale.
• Dadka isticmaala daawooyinka ilkaha u daran
• Qofka qaba xanuunada jeermiska fangaska uu keeno.
• Dadka qabo af-qallaylka.
• Qofkii qaba nafaqo-darro ama fitamiinada ay ku yaryihiin
• Qofka daroogada isticmaala.
• Qof dhaawac ka gaaray ciridka qalliin ama si kalaba.
Sidee logoa hortagi karaa?
Si Xanuunka Cirridka ku dhaca  looga hortago, cadayo oo ilkaha dhexdooda dun isaga nadiifi ugu yaraan labo goor maalin kasta si huurada meesha uga saarto inta aysan ku kordhin.
Dhakhtarka ilkaha u tag 6-dii bilood ee kastaba mar si ilkaha lagaaga hubiyo oo lagaaga nadiifiyo.
Xigasho: Bahda Faa’iido
 

Leave a Reply