Qoys Ku Noola Kaymaha 40 Sano

0
410

Duuliyaha dayuuradda Helicobterka ah oo macdan badhayaal ay wateen aya markii ugu horaysay aan si wangaasan u garan inuu helay goobta ay degan yihiin qoyska Likofitish ee Ruushka ah.
Qoyskaasi oo la waayay muddo 40 sano ka hor, laakiin ay haddana weli nool inkasta oo duruufo adagi soo mareen.
 
Waxay ahaayeen qoys ka tirsan mad-habta kirsitanka ee loo yaqaan Orthodox oo ah mid aad u xag jir ah. Sanadkii 1936, ayaa  aabaha qoyska oo lagu magacaabo Karab walaalkii ay dileeen ciidankii Shuuciga ahaa ee dilayay qof kasta oo diin lagu tuhmo wakhtigii Stalin. Maalintaasi ayuu gurigiisa ka qaatay alaabadiisa fudada isla markaana kaxaystay xaaskiisa iyo caruurtiisa waxaana uu iskaga baxay magaalada isagoo dhulka kaynta ee qabow ka dhistay guri loox ka samaysan.
Karab waxa ugu dhashay dhukaasi laba caruur oo kale. Mudadaasi uu halkaasi joogay ma arag qof aadami ah ,lakiin maalin keliya ayaan ku baraarugay ayuu yidhi Dayuurad dushayada maraysa oo raadinaysa xadiid. Dayuuradan oo ay wateen koox macadan baadhayaal ah ayaa dib ugu soo celisay nolosha Karab iyo qoyskiisa. Karab wuxu dhintay sanadkii 1988 isagoo 70 sano jir ah.

Leave a Reply