Siyaasaddii Bay Dhooqeeyeen

0
588

Qofku haddii uu siyaasi yahay waxaa looga baahan yahay deganaan ka fiirsasho badan iyo masuuliyad culus, xishood iyo akhlaaq waana inuu ahaadaa  qof noqon kara hogaamiye dul-qaad leh kana dhawrsoonaada sifooyinka aan wanaagsanayn sida cayda aflagaadada, iskana ilaaliyaa waxyaabaha wiiqi kara  siyaasadiisa hiigsigiisa mustaqbal si aan turun turo lahayna uu u fuulaa sallaanka hanashada siyaasadda.
Siyaasaddii Somaliland maanta waa Khariban tahay waxaana Kharibay cid kale maahee niman siyaaasiyiin ah oo mucaarid isku sheega  rag waaweyn ah qaarkood laba xil isku hayaan, qaarkood aqoonyahano sheegtaan qaarkood mujaahidiin sheegtaan kuwo ka midina ay beri hore ku fashilmeen siyaasadda oo hadda ku asqoobay islamarkaana uu ka lumay jiheeyihii oo hadba dhinac u dabaalanaaya, siyaasaddii mucaaridku waxay noqotay mushkilad dadku ay dhibsadaan maqalkeeda, akhriskeeda iyo daawashadeedaba, waxay noqdeen kuwo la karho ka dib markii ay siyaasaddii ka dhigeen xumaan qabyaalad, reer-reer, been abuur, cay aflagaado caado noqotay af-xumo joogto ah, iska daa nin masuul ah  oo kursi ku fadhiyee xitaa haweenka quryahooda joogay baa ka baxsan waayeyey ragga qaar mucaarid isku sheega .
Siyaasada halkaas maraysa ma siyaasad baa mise waa wax kale, Somaliland intii ay jirtay  Ingiriiskiina ku dhahoo illaa maanta  wali lama arrag taariikhda laguma maqal mucaarid ka liita oo ka taag iyo tamar daran abid oo  soo mara Somaliland.
Lama sheegin oo lama arrag mucaarid ka siyaasad xun oo ka qabyaalad xun oo ka cay iyo aflagaado xun, Somaliland ma soo marin mucaaridka maanta jooga mid ka indho adag oo ka qadiyad yar , haddii  maanta lagu yidhaahdo Somaliland naga iibiya lacagtana qaata  waxaa marag ma doona inay gelin ku xaraashayaan , waxay ku doodaan in dalka lex- jeclo ka hayso taasi waa afka baarkiisa Cunaha uma dhaafsiisna nimankaasi waxaanu leenahay waar waxaas aad wadaan ka waan tooba oo siyaasadan aad ka sinay dhooqayseen  iska daaya, sidan aad wax ku wadaana kursi laguma helo dadku waa idin barteen ee intaan laydinka il-bixin mustaqbalkiinna u tudha. Qarankii baad qabyaaladeyseen,  ciidamadii Qarankaad qabyaaladeyseen, siyaasaddii baad reerayseen. Nimaadkii siyaasiga ahaa  baad qabyaaladeyseen, dalka mixnad baad ku tihiin iyo xaalad abuur, aafo idinkama soo horayn iska daaya hanjabaada ileyn  dalka faqash ma joogtee kuwii faqash xoreeyey looma hanjabee, cuqaashan iyo salaadiintan aad Tv-yada soo fadhiisinaysaan ee qabyaalada uun hadal haya ka daaya oo ilaahay ka baqa dalka iyo dadka u tudha hankiinu ha dhaafo qabyaalad, garaadkiina iyo maskaxdiinnu ha shaqayso oo ha sarayso oo keenna siyaasad wax tar u leh dalka iyo dadka.
By: Cali Xasan
Calixasan806@gmail.com

Leave a Reply