Guddooomiyaha Suuqa Waaheen Oo Ka Waramay Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Xillaga Ciidda

0
472

Hargeysa (DAWAN):  Guddooomiyaha ganacsatada suuqa Waaheen ee badhtamaha magaaladda Hargeysa Mawliid Qawdhan Siciid, ayaa ka warbixiyay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqaasi ka socda, iyadoo ay wakhtigan dadweynuhu si weyn ugu diyar garoobayaan Ciidda.
Kuwaasi oo maalmahan danbe  aad u tiro badani ka dukaamaysanayaan, islamarkaana  ka iibsanayaan  alaabooyinka Ciidda fooda inagu soo haysa.
Mawliid Qawdhan Siciid, oo shalay u waramay wargeyska DAWAN,  waxa uu sheegay in uu aad u wanaagsan yahay dhaqdhaqaaqa kala iibsiga alaaboyinka dadwaynuhu isugu diyaarinayaan Ciida, waxaanu tilmaamay inay ciidamada amaanka CID-da ay kala shaqaynayaa amaanka suuqaasi isagoo tilmaamay mashquulka ka jira awgii in tuug faro badani ay soo galaan.
“Runtii dhaqaaqa xagga ganacsiga ee suuqa Waaheen waa mid aad u sareeya, mashquul badanina ka jiro.  Maadaama  uu yahay suuqa ugu wayn caasimada Hargeysa iyo guud ahaanba dalkaba, isla markaana wakhtigan ay ka dukaamaysanayaan dadwayne aad u badan oo iibsanaya alaabooyinka Ciida oo caruurahooda iyo guryahooda u gadaya” ayuu yidhi Mawliid Qawdhan Siciid.
 
 
Waxa  kale oo uu sheegay in amaanka suuqaasi ay kala shaqaynayaan ciidamada amaanka CID-da- isagoo xusay in mashquulka suuqaasi ka jira awgeed ay tuug badani soo galaan. Waxaanu yidhi  “sanadkan waxa amaanka suuqa Waaheen nagala shaqeynaya ciidamada amaanka CID, maadaama wakhtigani yahay xiliga Ciida oo suuqu ugu mashquulka badan yahay  ay soo galaan tuug badan oo isku dayaya inay mashquulkaasi u dhexraaciyaan”.
 
Suuqa Waaheen oo ah suuqa ugu wayn caasimada Hargeysa iyo guud ahaan dalka ayaa dhaqaaqa xoogan oo xagga kala iibsiga alaabooyinka ahi ka jiraa, iyadoo dadwaynaha reer Hargeysa ay diyaar garow ugu jiraan Ciidda Soonfureed ee fooda inagu soo haysa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply