Wasiirro Dhagax-dhigay Madaarka Laascaanood Oo Dib U Habayn Lagu Samaynayo

0
438

Laascaanood (Dawan): Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay dhagax dhigay dhismaha dhabada diyaaradaha   ee madaarka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
 
Munaasibad lagu dhagax dhigayay mashruucaasi ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen  wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, agaasimaha  guud ee wasaaradda duulista Somaliland Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, gudoomiyaha gobolka Sool Yaasin Maxamed Shide iyo maayarka Laascaanood Cismaan Saleebaan.
 
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud  Cabdirisaaq Khaliif Axmed,  oo munaasibadasi hadal ka jeediyay  ayaa u mahad celieyey shirkadan wadaniga ah ee maalgalinaysa mashruucan . isagoo sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu goob jog ka ahaado xafladaasi lagu dhagax dhigayay dib u dhiska lagu samaynayo garoonka diyaaradaha Laascaanood.
 
 
Waxaanu   yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay inaan  ka qayb galo dhagax dhiga garoonka laascaanood oo ay maal galinayso shirkad wadani ah. Aad  baan ugu farax sanahay waxaan rajaynayaa inuu madaarkani noqdo mid horumarsan oo maxali ah, buuxiya baahida garoon ee gobolkan waanan u mahad celinayaa shirkadaas.  Ka  xukuumad ahaana waxaanu diyaar ula nahay taageero kasta oo ay nooga baahdaan.”
 
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista iyo hawadda   Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, oo sina   halkaasi hadal ka jeediyay ayaa  balan qaaday inay wasaarad ahaa iyaguna mashaariic ka hir galin doonaan garoonkaasi.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Waxaan u mahad celinayaa shirkadan oo runtii door muhiim ah ka ciyaaraysa dib u dhiska garoonka Laascaanood, garoonka iyo kuwo kale oo dalka ku yaalaaba hore umay lahaan jirin waxa duulimaadyo ah.
 
Wasaaraduna  waxay xooga saartay kuwii kale ee duulimaadada lahaa, afartii sanno ee u dambeeyey imika ilaa sideed bilood ka hor ayaa madaarkan duulimaadyo ay ka bilaabmeen oo diyaarad Jaad keenta ayaa soo codsatay anaguna ka wasaarad ahaan ogolaashihii ayaanu  siinay, waxa aanu taas ugu dan lahayn in garoonkani uu noqdo mid shaqeeya”.
 
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadalay masuul ka tirsan shirkadan Blue Band ee maalgalinaysa mashruucan.  “Shirkadani waxay maal galinaysaa mashruuca dhabaha garoonkan. waxa hada garoonka laga qabanayaa shaqo ay shirkadaasi bixisay anaguna aanu fulinayno waxa weeye 1500M oo gravel road ah (jid carro-kaawo ah) oo laga dhisayo dhabaha dayaaradaha waxaanu aad ugu mahad celinayaa dawladda Somaliland oo aad noo soo dhawaysay.”ayuu yidhi masuulkaasi u hadlayay shirkadda maalgelinasya mashruucaasi.
By. Cabdi M. Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply