Arooska Wiil 26 Jir iyo Islaanta 64 jir ah

0
479

Islaan 64 jir ah oo u dhalatay dalka Ingriiska ayaa guursatay wiil u dhashay dalka Tunisia oo 26 jir ah. Wiilka ayaa sheegay inuu isagu goostay inuu guursado oo aanay jirin wax khasab ah laakiin markii u horaysay ee uu arkayba uu jeclaaday inuu guursado. Islaantan oo lagu magacaabo Patrish ayaa sheegtay inay iyaduna markii ay ku kulmeen Internetka ay xiisaysay inay noqdaan qoys. Gabadhan ayaa markaasi ka dib usoo duushay Tunis halkaasi oo guurkooda iyo arooskooduba  ka dhacay. Iyagoo arooska ka dibna ay ku noqotay dalka Ingriiska , isla markaana bilowday sidii ay ninkeeda ugu soo saari lahayd Fiisaha uu ku iman dalkaasi. Muddo ka dibna wiilkan oo lagu magcaabo Mundar ayaa fiisaha Ingriiska helay oo kula noola dalkaasi Islaantiisa. Laakiin muddo yar ka dib ayuu si xun ula dhaqmay, waxaana uu imika ku nool yahay  magaalo oo ay degan yihiin saxiibadiisa Tunisiyaanka ahi.

Leave a Reply