Giriigga oo Gudbinaya Dalab Rasmi ah

0
432

Dowladda Giriiga ayaa gudbisay dalab seddax sano ah ee dalkaasi looga badbaadinaayo dhibaatada dhaqaalaha Eurozone k aka haysata, kaas oo ah farsamada xasillinta dhaqaalaha Yurub.
Codsigan waa kii ugu horeeyay ee ay qaado xukuumada Athens eek u saabsan deenta lagu leeyahay, kaas oo la doonaayo in la dhammeeyo illaa Axada.
Ra’iisul wasaare Alexis Tsipras ayaa sheegay in dowladda Giriiga ay Eurozone ka u gudbin doonto qorshe ay isbedelo ku sameysay illaa maalinta Khamiista.
Mr Tsipras ayaa saaka uu la hadlay barlamaanka Midowga Yurub, wuxuuna u sheegay in codbixiyayaasha Gariiga ay u istaageen inay wajahaan ololaha argagaxgelinta warbaahinta.
Madaxweynaha gudiga midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, waxa ay ka digtay in la diyaariyay qorshe aan macquul ahayn oo Giriiga uu Yurub kaga baxaayo.
 
 
 

Leave a Reply