“Haddii Cid Waliba Hawshooda ay Qabsan Waydo Mar Kale Ayaa Nala Baryi Doonaa Oo Aanu Samayn Doonaa Muddo kordhin Dambe”

0
407

Hargeysa(Dawan):-Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho- indho),ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay waraaq website-ka  siraha faafiya ee Wikileaks lagu baahiyay oo sheegaysay in Somaliland  ay la saxeexatay  Soomaaliya midnimo ay dib ula galayso. Taasoo uu xildhibaanku ku sheegay mid aanay waxba ka jirin.
Waxaa kale oo uu  intaa ku daray Somaliland in aanay waraaq la qoray Xamar ku celinayn oo qadiyadda Madaxbannaanidu ay tahay lama taabtaan taasoo uu sheegay in rag dagaal iyo hub adeegsaday oo qaranimada weeraray in ay ku guul darraysteen oo ay dagaal dalka Xamar ku geyn kari waayeen.
Waxaa kale oo uu asxaabta Mucaaridka  ku eedeeyay  in ay ku war-wareegayaan wax aan shaqadooda ahayn isla markaana aanay qabsan wixii shaqadoodu ahayd ee looga baahnaa.
Waxaa uu ka digay in ay dhacdo in mar kale muddo kordhin loo baahdo.waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka  ku siiyay Wargeyska DAWAN.
 
Af-hayeenka Guurtidda oo la weydiiyay inay wax iska  bedaleen go’aankii aqalka odayaashu muddo xileedkooda ugu kordhiyeen Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda, waxaanu ku jawaabay “Go’aankayagu waa sharci wax iska bedelayaanna ma jiro, sidiisa ayaana loogu dhaqmayaa waxaanay ahayd cid waliba in ay  hawsheeda qabsato oo ay dhammayso qabyada dhankeeda  ka jirta oo wakhtiga laga faa’iideeyo sababtoo ah go’aanka Guurtidu cid walba shaqo ayuu siinayay  imikana cid shaqadeedii qabatay nooma muuqato. durba waxaa tegay wakhtigii laba bilood lama bilaabin hawshii diiwaan-gelinta,  xisbiyadii xarumahoodii goboladda kamay hawl-gelin.  markaa waxaan leeyahay Guurtidu cid walba shaqadii loo igmaday way ku daba galaysaa.”
Afhayeenka  oo aanu wadiiyay waxa Guurtida uga meel yaalla go’aankii ay asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen,ayaa ku jawaabay. “Horta marka qodob sharci ahi yaallo cid kasta oo la timaadda wax ka soo horjeeda qodobkaa sharciga ahi waa wax aan la qaadanayn oo sharci darro ah  la timid, waxaa ay ku heshiiyeenna waa waxba  kama jiraan sababtoo ah  siday sheegayaan ee ay leeyihiin waanu ku heshiinay waxay dhigaysaa in doorashooyinku ay qabsoomaan December  haddii doorashadda Madaxweynaha laga helona dalku wuxuu gelayaa saddex bilood oo markaa Guurtidu ma ogola in dalku bilaa dawlad ku dhaco  cidna kama yeelayno.”
Indha Indho oo ka jawaabayay Guurtidu sababta ay uga hawl-gali waayeen shaqaaqo beeleed dhimasho iyo dhaawacyo keentay oo ka dhacday  gobollada Sool iyo Saraar,ayaa ku jawaabay. “Horta ma jirto dhacdo dalka ka dhacda oo aanay Guurtidu ka hawl-gelin  imikana Guurtidu way ku sugan tahay gobollada Bariga Somaliland oo muddo sadex bilood ah ayay ku sugan yihiin  waxaanay saldhig ka dhigteen Magaalada Oog dhacadada Guumays iyo ta Caynababa waanu ku jirnaa xallinteedii Xukuumadduna way nagala qayb qaadanaysaa markaa siday Guurtida iyo Xukuumaddu uga hawl-galeen gobollada Bariga Mucaaridkuna   ha u tagaan oo xafiisyadoodii ha furtaan oo diiwaan galintii codbixiyeyaasha  hala bilaabo.”
Afhayeenka oo aanu waydiinay sida uu u arko waraaq maalmihii ugu dambaysay ay warbaahintu soo cel celinaysay ka hadalkeeda oo  lagu baahiyay website-ka  siraha dawladaha jabsada  ee Wikileaks oo lagu sheegay in  Xukuumadda Somaliland  ay Soomaaliya la gashay heshiis qarsoodi ah oo midnimo sheegaya,ayaa ku jawaabay. “Horta waa wax lala yaabo in  la yidhaahdo Somalilanad ayaa waraaq la qoray lagu  gaynaysaa Xamar ,tolkay iyo Cali Khaliif dagaal ayay qaranka la galeen oo kaare ayay Xamar ku geyn kari waayeen markaa waa iska hadal waraaq ayaa Somaliland Xamar geynaysa mucaaridkana waxaan leeyahay wax aan jirin dadka ha ku jaho-wareerinina dalkani waa qaran dhawr iyo labaatan jirsaday oo aan  go’aan shacbi ku goostay koox iyo waraaq iyo nin  iska hadlay midna ma celin karo ee wararka beenta ah ee dadka lagu jahwareerinayo waa in ay mucaaridku ka daayaan oo hawl baa u taalla oo sugaysee waa in ay shaqadooda ka soo baxaan.”
By: Faysal Xiis Weerar (Af-gaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply