Maxaad Ka Taqaanaa Hudheelka Ugu Khatarta Badan Dunnida?

0
384

Hudheelka ugu khatarta badan dunnida ayaa laga dhisay buuraha dalxiiska loo tago ee dalkaasi Peru,kaas oo noqday mid ay aad u xiiseeyaan dadka dalxiiseyaasha ahi,waxaanu ku yaalaa meel sare oo buur dusheed ah.
Waxa halkaasi gaadhaayey maalmihii ugu dambeeyey dad aad u tiro badan oo dalxiiseyaal ah ,kuwaas oo aad u xiisaynaaya hudheelkan cusub ee lagu soo kordhiyey buuro ay hore ugu dalxiis tegi jireen ,kaas oo ay waqtigan ka heli doonaan hurdo ,halka ay xiliyadii hore seexan jireen goobo cidla ah iyo meelo ay iyagu dhisteen oo taandhooyin ah.
Hudheelkan ayaa la sheegay in habeenkii lagu seexanaayo lacag dhan 282 lacagta Yurub ah,taas oo ay ka heli doonaan adeego kala duwan,waxaana lacagtan lagu seexanayaa hudheelkaasi hal habeen oo keliyaata.
Hudheelkan ayaa lagu magcaabaa Natura Vive Skylodge,waxaana kusoo dega inta ugu badan dadka dalxiiseyaasha ah ee ka imanaaya qaarada Yurub wadamada Ku yaala oo halkaasi u dalxiis yimaada,waana hudheel aad u soo jiitay dadka halkaasi tegaaya iyo kuwa taga intaba.
Waxyaalaha  aadka ay ula yaabeen ayaa waxa kamid ah qolalka ay dadku seexdaan oo ah kuwo ku dul yaala buurahaasi,mana ahaa meelaha ay ku yaalaan buurta dusheeda oo sagxada sare ah ee waxa ay ku yaalaan dhinacyada oo laga soo laalaadiyey,iyada oo biro lagu xidhay,waxaana loo sameeyey salaam loo raaco marka la hurdo tegaayo ,taas oo laydh lagu arkayaana ku yaalo,waxaana lagu sheegay meesha laga dhisay qolalkani inay dherar ahaan gaadhayaan 121 mitir.
Hudheelkan ayaa leh qolal kala duwan ,kuwaas oo qaarkood ku yaalaan xaga hoose ee buurta iyo kuwo dusha sare ku yaala,waxaanay labaduba ka sareeyaan kana hooseeyaan qolalka dhexe oo ah kuwa soo laalaada,waxaana arrimahaasi ka hadlay mulkiilaha hudheelkan oo sheegay in dadka naftooda hureyaasha ahi ay inta badan yihiin kuwa seexda qolalkan soo laalaada ,halka kuwa kale ee nafta jeceli seexdaan qolalka caadiga ah.
Hudheelkan ayaa aad u soo jiitay dadka dalxiiseyaasha ah iyo sidoo kalena warbaahinta caalamiga ah oo iyagu warbixino ,sawiro iyo muqaalo kala duwanba kasoo qaatay hudheelkan.
 

Leave a Reply