Mr Matt Stonie Oo Mar kale Ku Guulaystay Kaalinta Koowaad Ee Cunnista Roodhiga

0
408

Mr Matt Stonie ayaa mar kale ku guulaystay kaalinta kowaad ee cunista Roodhida oo uu hore u haystay kuna qaatay suun bilad ah iyo lacag tiro badan ,waxaana tartankan la qabtaa maalinta xoriyada dalkaasi Maraykanka.
Mr Matt oo ah da’ahaan 23 sanno jir ayaa ah ninka markii labaad ku guulaystay tartankan ,isaga oo ka badiyey koox dad ah oo la tartamaysay kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar intaba,waxaana lagu tartamaayey cunitaanka roodhida loo yaqaano  Hot Dogg,taas oo la qabto sannad walba marka la gaadho maalinta xoriyadda dalkaasi Maraykanka .
Waxaana sannadkan kasoo qayb galay tartankan boqolaal kamid ah shacabka dalkaasi Maraykanka kamid ah ,kuwaas oo is taakulaynayey isna taageeraayey ,iyada oo uu dedaal badan sameeyey ninka markii dambe ku guulaytay ee Matt oo isagu ahaa ninkii sannadkii horena ku guulaystay tartankan.
Tartan adag ka dib Mr Matt ayaa ku guulaystay tartankan ,isaga oo cunay intii roodhi loogu talo galay oo ahayd mid loo qiyaasay xisaabna lahayd,waxaana sidaasi lagu siiyey suun iyo lacag badan oo uu markii labaad isagu ku guulaystay .
Tartankan ayaa sannadkani noqonayaa markii saddexaad ee la qabto ,iyada oo laba sanno oo ka horeeyeyna la qabtay,waxaana sannadkii kan ka horeeyey ku guulaystay isla wiilkan lagu magcaabo Mr Matt ,waxaanu fursad helay inuu waqtigana ku guulaysto markii lasoo gaadhey wareegaasi saddexaad ee sannadkan.

Leave a Reply