Naygeriya: Tartanka Boqorada Quruxda Ee Ragga

0
467

Bulshooyinka dunida badankoodu waxay leeyihiin caadooyin iyo dhaqano u gaar ah.  Dadka qabiilada Wadabi ee degan xeebaha Nayjeeriya ayaa caado u leh bandhigga quruxda ragga ah.
Bandhigan oo lagu magacaabo Gerewol ayay qabiiladani sanad kasta hal qabtaa. Raga ka qayb qaadanaya ayay ku qaadataa inay is qurxiyaan muddo 6 saacadood ah si uu u noqdo boqorad quruxda raga ee qabiilada Wadabi oo halkaasi degan.
Waxay wejiyadooda Raggu soo mariyaan dhoobo cas iyagoo indhaha dhuxul madaw oo indhokuul ah  mariya si ay aad ugu muuqato inta cad ee isha. Debnaha waxay mariyaan midab cas , ilkahana waxay ka dhigaan kuwo aad u cad cad. Bandhigan ayay raggu dumarkooda ku raali geliyaan haddii uu noqdo mid foolxumi la yimi goobta waxa dhacada in gabadhiisuna ay sidaasi kaga tagto iyadoo u arkaysa inay ceeb tahay inay la joogto nin ku fashilmay bandhiga boqorada quruxda.
Ragga qabiiladan ayaa aaminsan inay yihiin raga dunida ugu quruxda badan, waxaana ay isku eegaan muraayadaha iyagoo la dhacsan quruxdooda. Waxaana ceeb ah dhinacooda in ninka jeebadiisa laga waayo muraayad uu isku eego si uu ilaaiyo quruxdiisa.
 

Leave a Reply