“Ragga Wax Ka Sheegaya Siilaanyo Somaliland Oo Dhawr Sanno Jirtay Ayay Yimadeen”

0
383

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye Ku xigeenkii Hore ee Komishanka doorashooyinka Somaliland  Mr. Cabdllaahi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) ayaa ka Jawaabay eedaymaha xisbiyadda mucaaridka ahi ay u soo jeediyeen xukuumadda Somaliland, isla markaanna waxa uu sheegay in ay tahay wax aan la qaadan kari warqada ay faafisay Wikileakes oo uu ku dooday  in uu yahay nin ku xabisan safaarrada shisheeeye.
 
Cabdillaahi Jawaan oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu u soo jeediyay xisbiyadda mucaridka ah in aanay faafin waxa ay qorayaan cadawga Somaliland, waxaana uu xusay   in Madaxweyne Siilaanyo aanay wax ka sheegi Karin cid aan taariikh ku lahayn dalka.
“Ninka la leeyahay wax  buu qoray xafiis ayuu maxbuus ku yahay dhawr sannadood. Wikileakes waa ninka qoray Somaliland qaranimadeedii oo dawladu ku saxeexday Saudi Arabia inay la midoobayso Somalia wax waa la sheegaa ee marka wax la qoro inaad iska qaadato maaha,”ayuu yidhi Mr. Cabdilaahi Jawaan.
 
Cabdillaahi waxa kale oo uu intaa ku daray “Waa ninkaa xidhan ee dawladihii dimuqraadiyada ilaalinayay xidhayaan ee  safaarrada galay ee booliska Ingiriisku dul wareegayaan,  ninka waxaas  qoray waa kaa, waxaana dhici karta dad kale oo lid ku ah Somaliland oo  xumaanteeda doonayaa inay geliyeen website-kaas, markaa wax la raaci karo maaha, waxaan leeyahay waddo Khaldan ayaa la maray, waxa la leeyahay Somaliland qarankeedii ayaa la baabi’iyay hadalkan ay ku dhawaaqayaan ayaa baabi’inta ka mid noqonaya oo dalkii dhaawacaya.”
“Wasiirkii waxa laga sheegayay  Maxamed C/laahi wuu beeniyay, waxay ahayd in la hubsado oo la baadho laakiin wax meel lagu qoray oo aanad ogayn cid  qortay oo laga yaabo in cadawga Somaliland geliyay in layska raaco maaha,” ayuu yidhi Mudane Cabdillaahi Jawaan, waxaanu intaa raaciyay “Markaa waxa aan leeyahay xisbiyadda mucaaridka iyo kooxda la baxday madasha ka daaya wadadeedii kuma habboonee, waddo khaldan weeye,  adduunka baarlamaanka ayaa wax baadha Khaladka ay dawladu leedahay, ee xisbi mucaaridi ma caayo.”
Cabdillaahi Jawaan waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo dalka u soo dagaalamay, isla markaana aanay wax ka sheegi Karin cid aan taariikh ku lahayn wadanka, waxaana uu yidhi “Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa mujaahidkii u soo dagaalamay dalka ee la waydiinayay Caabudle iyo Muqaaxida Inanta, raggan waxaan  u sheegayaa adduunka meel ay joogeen lama garanayo, badankoodu meelaha ay joogeen waa la ogyahay, nin waliba  dantiisa ayuu watay oo Somaliland oo dhawr sanno jirtay ayuu yimid laakiin taariikhda dib ayaa loo raacaa, haddiise maalin la nool aynu noqono dawladnimada iyo dadnimada ayay ka baxsan tahay.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply