Talyaaniga Oo Biyaha Hoostooda Khudaar Iyo Faraawilo Laga Beeraayo

0
372

Khubaro u dhalatay wadanka Talyaaniga ayaa bilaabay mashruuc lagu magcaabo Milano Expo 2015,kaas oo ay sheegeen inay biyaha hoostooda kaga beeri doonaan dhir sannadkan,waxaanay beeri doonaan dhir isugu jirta Khudaar iyo Faraawilo,kuwaas oo marka hore lagu tijaabin doono halkaasi.
Waxaanay meelaha ay ugu talo galeen inay dhirtaasi ka beeraan u bixiyeen Italian Liguria,taas oo noqon doona meelo cusub oo kamid ah beeraha loogu talo galay in lagu beero dhirta,tanina waxay noqonaysaa mashruuc cusub oo ay ku baxayso lacag badan.
Meelahan ayay sheegeen in ay adag tahay inay si sahlan uga baxaan dhirtani,laakin saynisyahanada iyo khubarada kale ee Engineering-ka dhirta ka shaqaysa ayaa sheegay inay doonayaan inay xal u helaan natiijona ka keenaan sababta ay ugu bixi waayeen dhirtani biyaha hoostooda marka laga yimaado hawo la’aanta.
Ninka mashruucan wata ayaa ah mulkiilaha shirkadda lagu magcaabo Gambireny Sergio iyo inankiisa oo lagu Luke,waxanaay doonayaan inay biyaha badda hoostooda ka sameeyaan gurriga loo yaqaano Green House-ka oo ah mid lagu nafaqeeyo dhirta,iyaga oo u qoondeeyey inay ku beeraan meel 6-9 mitir badda hoosteeda ah ,gaar ahaana xeebta Liguria .
Mashruucan ayaa loogu talo galay in la bilaabo sanndkii 2012 kii,kaas oo markii dambe dhicisoobay,waxaana sidoo kale la waayey meeshii laga samayn lahaa oo la doonaayey inay noqoto meel kulaylkeedu yahay 25 degree Celsius.
Waxa kale oo loo baahan yahay in cufka meeshu noqdo ugu yaraan mid ka sareeya 85% kiiba,kaas oo caawin kara bixitaanka dhirta,waxaanay doonayaan inay halkaasi ku beeraan dhir ay kamid yihiin Strawberries,beans iyo kuwo kale oo ka duwan.
Waxaanay doonayaan inuu tijaabo ku jiro muddo laba sanno ah ,iyada oo marka dambena lagu kordhin doono laba guri oo kale.
 
 
 
 

Leave a Reply