Dad Isjiidh ugu dhintay Bangladesh

0
557

Booliska Bangladesh, ayaa sheegay in ugu yaraan 22-qof ay ku dhinteen isjiidh ka dhacday waqooyiga magaalada Mymensingh.
Arrintan ayaa dhacday iyada oo boqolaal qof ay isku dayayeen in ay si xoog ah ku galaan xarunta warshad laga siinayay dhar bilaash ah dadka saboolka ah.
Waxaa dhaqan ka ah dalkaasi Bangaladesh, in dadka maalqabeenada ah ay ugu tabarucaan dhar, dadka masaakiinta ah, bisha barakaysan ee Ramadaan.
Booliska ayaa sheegay, in ku dhawaad 500-qof ay isugu yimaadeen warshada oo ku taalla waqooyiga dalkaasi, si ay u helaan hadiyadaha la bixinayay.
Isjiidhka  ayaa bilaabatay, kaddib markii qaar ka mid ah dadka halkaa isugu soo xoomay ay damceen in si xoog ah ay ku galaan xaruntaasi.
Sawiro laga baahiyay telefishinka, ayaa muujinayay xaalad cakiran.
Booliska ayaa sheegaya in ay qabteen toddobo qof oo la la xiriirinayo dhacdadan, waxaana ku jira ninka iska leh warshada.
 

Leave a Reply