Bangaladheesh: Dhalashada Wiil Aan Hore Aan Dunida Dhicin

0
492

Dalka Bangaaladheesh waxa ku dhashay wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 110 sano. Wiilkan ayaa sida la sheegay noqday  xaaladii ugu horaysay ee noocan ah ee lagu arko dalkaasi. Waxaana la sheegay in isagoo uurka hooyadii ku jira uu ku dhacay xanuunka Progeria. labada waalid ee dhalay wiilkan yar ayaan 4 sano oo ay wada joogeen caruur dhalin, wiilkan ayaana ah kii ugu horeeyay ee ay dhalaan.
Muuqaalka wiilka ayaa cadaynaya inuu la mid yahay oday da’ ah. Jidhkiisa inta badan waxa ka soo baxay timo. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in aanay xaaladan hore u arag isla markaana uu caafimaadkiisu yahay hadda fiican yahay

Leave a Reply