Doorashadii Burundi oo dib loo dhigay

0
376

Doorashadii Madaxwayne nimada ee dalka Burundi ayaa mar kale dib loo dhigay.
Doorashadaasi muranka dhalisay waxa ay ku soo aadaysaa iyada oo ay jiraan rabshado sare u sii kacaya.
Afhayeenka madaxwaynaha Burundi Pierre Nkurunziza, oo lagu magacaabo Gervais Abayeho ayaa sheegay in doorashada la qaban doono 21-ka bishan July ee aan ku jirno, kaddib markii ay sidaasi dalbadeen hogaamiyayaasheeda dalalka gobolka.
Nkurunziza markii saddexaad ee uu isa soo sharaxay waxaa hadheeyay dibad baxyo iyo waliba iskuday afgambi oo dhicisoobay.
Ciidammada iyo dad aan la aqoonsanin oo hubaysan ayaa isku dhacay oo ku dagaalamay gobolka Kayanza oo u dhaw xadka Rwanda jimcihii.
Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in bambaanooyin lagu tuuray qaybo ka mid ah caasimadda dalkaasi ee Bujumbura habeenimadii jimcahii.

Leave a Reply