Daacish oo Sheegatay Qaraxii Qaahira

0
341

Maleeshiyada dawladda islaamiga ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen qaraxii dhimashada sababay ee sida ba’an u burburiyay qunsuliadii tTalyaaniga ee Qaahira ee dalka Masar.
Barta  Twitter-ka ayaa  IS ku sheegtay inay  Muslimiinta isaga fogaadaan goobaha sida qunsuliyadda oo ay ku tilmaameen in ay tahay bartilmaameedkooda.
Hal qof ayaa ku dhintay, dhawr qofna waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi  weyn ee ka dhacay bannaanka hore ee qunsuliyadda Talyaaniga ee magaalada Qaahira.
Saraakiisha ammaanka ee dalka Masar waxay sheegeen in qaraxu sababay baabuur bam lagu xidhay, kaasi oo khasaaro weyn u geystay banaanka hore ee dhismaha.
Dowladda Talyaanigu waxay sheegtay in aanay oggolaan doonin in loogu cagajugleeyo weerarka.
Dadka dhaawaca ah ayaa waxa ku jira booliis ilaalo ka hayay goobta.
Ciidamada ammaanka ayaa waxaa si joogto ah u weerarrayay kooxo hubeysan tan iyo markii la afganbiyay Madaxweynihii Islaamiga ahaa Maxamed Morsi, sanadkii 2013.

Leave a Reply