Mishiinkii Labaad Ee Baraf-dhaliye ah Laga Hirgaliyey Magaalo Xeebeedda Maydh

0
497

Maydh(Dawan): Mishiinkii   labaad   oo  Baraf-dhaliye ah ayaa  shalay si rsmi ah  looga hirgaliyey Magaalo xeebeedda  Maydh ee gobolka Sanaag, kaasi oo ay  mudooyinkanba Rakibaadiisa  ku hawlanaayeen maamulka  degmadaasi.
 
Mishiinkani Baraf-dhaliyaha ah ayaa loogu tallo galay in ay ka faa’iidaystaan kalluumaysatadda degaankaasi, mishiinkaasi oo ay ugu kaydsan doonaan kalluunka iyo waxyaabaha kale ee  ay Badda ka soo dabtaan.iyadoo bishii  ina dhaaftayna degmadda Maydh laga sameeyay mishiin kale oo Baraf-dhaliye ah.
 
Munaasibadii  lagu Rakibayay mishiinkaasi Baraf-dhaliyaha ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa maayarka degmadda Maydh  Prof.  Xuseen  Sheekh  C/raxmaan  Sheekh  Siciid,  qaar ka mid ah madax-dhaqameedka degmadaasi, xubno ka socday ururka kalluumaysatadda ee goboladda Barri iyo masuuliyiin kale.
 
Prof.  Xuseen  Sheekh  C/raxmaan  Sheekh  Siciid,  oo hadal ka jeediyay  munaasibadaasi lagu rakibayay Mishiinkaasi ayaa ka waramay   xaalada guud ee  degmada iyo sidoo kale  mashaariicda horumarineed ee  sanadkan laga hirgaliyey degmadda Maydh.
Waxaanu sheegay maayarku in mashaariic badan laga hirgeliyay degmadda Maydh, kuwaasi oo  isugu jira agabyo kalluumaysi oo loo qaybiyay kalluumaysatadda iyo tababarro xirfadahoodda or loogu qaadayay oo loo qabtay kalluumaysadda.
 
Prof.  Xuseen  oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ka  maamul ahaan intii aanu xilka Degmada haynay Maamuulkayagu wuxuu u ahaa Maamulkii horumarka iyo wax qabadka badnaa,  iyadoo isla markaasina laga hirgaliyey degmada mashaariic mugleh, oo ay ka mid yihiin laba Mishiin oo Baraf-dhaliye ah,  oo mid laga hirgaliyey bishii hore ee  July,  iyo kan manta (shalay)   laga hirgaliyey degmadda.
 
Sidoo  kale waxaa  degmadan  Maydh laga dhisay Fadhiisinka Ciidamadda Badda ee Aaga Barri, iyo  dugsi waxbarasho. Dhinaca  tababaradda  oo  Kalluumaysatada  degmadda  loo qabtay,  tababarro  kala duwan oo kor loogu qaadaayay xirfadooda iyo aqoontoodaba,  iyo sidoo kale qalab isugu jira Mishiinno,  Laashash,  Talaagadaha yaryar ee ay barafka ku  qaadanayaan, kuwaasi  oo dhamaa  200 iyo qalabka kalluumaysiga oo  dhamays tiran,  oo kalluumaysatadda  degmada loo qaybiyay”.
 
 
 
Maayar Xuseen, waxa uu sheegay in dhawaan degmadda Maydh laga hirgelin doono mashaariic kala duwan,   kuwaasi oo ay ugu  muhiimsan yihiin  dekad weyn taasi oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 1.3 milyan oo Dollar iyo Qaboojiye Kaluunka lagu kaydiyo ah  oo qaadi karra  ilaa 50 kun oo tan lagana   maalgelinayo  Sanduuqa Horumarin  Somaliland (SDF).
 
Waxa kale oo uu tilmaamay Prof. Xuseen Sheekh in isla sanadkani aynu ku jirto degmadda Maydh laga hirgelin doono  xarunta guud ee Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka Badaha  ee  gobolka Sanaag, isagoo intaasi ku daray in  sidoo kale ay jiraan mashaariic   muhiim ah  oo ay hadda ku hawlan yihiin heli taankoodda.
 
Mishiinkani baraf-dhaliyaha ah   ayay baahi weyn u qabeen dadweynaha iyo Kalluumaysatada degmada Maydh, iyadoo hore loo tababaray hawl wadeenadii  ku shaqayn lahaa mishiinkaasi.
 
 
 
 
 
 
 
Dhinaca kale  bulshada ku nool magaalo xeebeedda Maydh ayaa loo  qaybiyay Barafkii uu Mishiinka Baraf-dhaliyaha ahi soo saaray, iyadoo sanadkani uu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee aanay bulshada reer Maydh intoda badani ka soo hayaamin kana xagaa bixin Degmada Maydh , Mashaariic badan oo ku soo koroday awgeed kuwaas oo u saamaxaya in ay ku sii negaadaan magaaladda  iyadoo lagu jirro  xilli Xagaa ah.
Kuwaasi   oo ay ka mid yihiin,  Korontadda degmadda  Maydh oo  maamulku ku soo kordhiyey iyo Baraf-dhaliyeyaasha  oo xiligan kulaylka ah u suurto  galiyey in ay ka maarmaan in ay kulaylka  ka xagaa baxaan. Ugu danbayntiina  qaar ka mid ah waayeelka iyo wax-garadka  degmada Maydh ayaa oo halkaasi ka hadlay ay sheegay   in xaalada degmadu  ay hada meel fiican marayso. Waxaanay ku amaaneen maamulka degmadaasi in ay waxyaabo badan oo horumar ah ka sameeyeen degmadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply