Wadahadalka Nukliyeerka Iran oo sii Socda

0
371

Iran iyo lixda Quwadood ee dunida ee wadahadalka kula jira ayaa si wada wadaxaajoodkooda magaalada Vienna, ka dib markii ay ka gudbeen markii labaad waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay qabsadeen si heshiis ay uga gaadhaan barnaamijka Nukliyeerka Iran.
Wada xaajoodayaasha ayaa hadda qabsaday ilaa iyo maalinta Jimcaha ah ee soo socota inay ku gaadhaan heshiis dhameystiran.
Diblomaasi reer Galbeed ah oo ku suggan xarunta Austria ee Vienna ayaa sheegay in wada hadalada Iran muddada loo kordhiyay shalay iyadoo dadaal aan kala go’o laheyn uu socday.
Diplomaasigan oo aan la magacaabin dalka uu matalo ayaa u sheegay wariyeyaasha inay adagtahay in la saadaaliyo in wada hadaladan ay guuleysan karaa 48ka saacadood ee ka hadhsan waqtiga kama dambeysta ah ee haatan ay qabsadeen dhinacyada.
Masuul Sare oo ka  tirsan wada xaajoodayaasha Iran oo lagu magacaabo Cabaas Araqachi ayaa sheegay in waqtiga kama dambeysta uusan aheyn , xad aan la dhaafi karin.
 

Leave a Reply