Agaasime Iska Casilay Wasaaradda Duulista Muqdisho Oo Ku Eedeeyay In Ay Jabisay Heshiisyadii La Wada Galay

0
364

Muqdisho (Dawan):- Wasaaradda Duulista Soomaaliya,ayaa  lagu eedeeyay in ay  musuq maasuqday heshiisyo  dhawr ah oo ay hore u wada gaadheen Soomaaliya iyo Somaliland oo ku saabsanaa in Somaliland iyo Soomaaliya  ay la soo noqdaan maamulidda hawada isla markaana ka soo wareejiyaan Hay,adda Qaramada Midoobay  ee imika gacanta ku haysa ee  ICAO oo fadhigeedu yahay Nairobi Kenya.
 
Agaasimaha waaxda duulimaadyada rayidka ah ee Wasaaradda Duulista ee Soomaaliya Maxamuud Faarax Cigaal  ayaa masuuliyiinta Wasaaraddiisa ku eedeeyay in  aanay  diyaar u ahayn in ay hir galiyaan  heshiisyada hawada ee ay wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana la doonayay in ay wada jir ula wareegaan maamulida hadawa Somaliland iyo Soomaaliya.
Maxamuud Faarax Cigaal   oo soo saaray qoraal uu shaqada iskaga casilay ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Duulista Soomaaliya   u xaglinayso  dhanka hay,adda ICAO oo ay heshiis kula tahay in hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga maamulo Nayrobi.
Qoraalkan ayuu  agaasimuhu ku sheegey in uu si weyn uga niyad-jabsan yahay dhaqanka hay’adda Qaramada Midoobey ee maamuleysey hawada Somaliland iyo Soomaaliya  taasoo uu ku eedeeyay inay madaxa isku gelisay Soomaaliya iyo Somaliland , isla markaana  ay wali soo Wareejin la’dahay Maamulka Hawada  inkastoo heshiisyo badan hore loo kala saxeexday waxaanu intaa ku daray in Wasiirka Wasaarada uu xilkeeda iska casilay musuq maasuqay heshiisyadii la wada galay toosna ula safan  yahay ICAO oo  uu sheegay in ay wada shaqaystaan oo uu qayb ka yahay lunsiga lacagta hawada  ee ICAO iska maamulato.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply