Maxbuus ka Baxsaday Xabsi ku Yaalla Mexico

0
342

Guddiga amniga dalka Mexico ayaa bayaan uu soo saaray  ku sheegay in Joaquin ( El Chapo Guzman ) oo madax u ah Sinaloa cartel oo ah koox awood badan oo daroogadda ka ganacsata uu baxsaday, kaasoo markii ugu dambaysay ee lagu arko ay ahayd xilli uu ku maydhanayey gudaha xasbiga Altiplano ee dalka Mexico.
Ciidanka amniga ayaa billaabay raadinta maxbuuskaasi baxsaday, iyadoo la joojiyey dhammaan duulitaankii eeriboorka magaalada Toluca oo u dhow halka uu ku yaalla xabsiga.
Maxbuuskaasi ayaa u isticmaalay baxsigiisa dhuun  dhulka hoos marta, sida uu sheegay madaxa amniga qaranka waxa uu ka dusay masaafo  gaadhaysa 1.5 KM.
Waxaa su’aalo la weydiinayaa 18 askari oo ilaalo ahaa.
Guzman ayaa gacanta lagu soo dhigay bishii February ee sanadkii hore kaasoo muddo 10 sano ah dhuumaalaysi ku jiray, isagoo horay loo soo xidhay sanadkii 1993-dii balse xabsiga ka baxsaday sanadkii 2001-dii, kaddib markii uu gacan ka helay ilaaladii xabsiga uu ku jiray xilligaasi.
Mareykanka ayaa sidoo kale in muddo ah ninkan raadineyey maadaama kooxda uu madaxa u yahay ee Sinaloa cartel ay daroogo badan soo geliso dalka Mareykanka, taasoo laga soo gudbiyo xuduudka uu Mareykanka la wadaago Mexico.
 
 

Leave a Reply