Qisooyin: Denbiilayaasha Oo Riyada Lagu Ogaado

0
365

Waxa loo haystay in Riyadu ay tahay natiijada ka dhalata wixii qofkii soo maray intii usoo jeeday oo uu caqligu weeleeyay oo hayay, soona celiyo marka qofku seexdo. Laakiin sanadkii 1962 waxa seexatay gabadh lagu magacaabi jiray Weini Welkeson oo Ingriiska u dhalatay waxa ka yar saacad maalin,
Waxayna maqashay garaac weyn oo ku dhacayay albaabka gurigeeda iyadoo hurudda . Markii ay soo kacday ee ay furtay waxay aragtay gabadh dedan oo aanay weligeed hore u arag, waxayna ku tidhi “Mr. Wilkinson (Ninkeedii furay), waxa ku soo dhacay marmarkii dhismaha “. Laakiin arrimahaasi oo dhami waxay dhacayeen iyadoo hurda (riyo) .
Mr. Wilkinson  wuxu ahaa ninkeeda oo ay kala tegeen muddo lix bilood ka hor ah. Markii ay toostay ayay markiiba la xidhiidhay bal inay ogaato inay wax ku dheceen iyo in kale. Waxaanu ahaa mid nabad qaba. Laakiin maalintii labaad ayay dheceen wixii ay riyada ku aragtay xaqiiqdii, waxaana dhintay ninkeeda ka dib markii uu ku soo dhacay marmarkii dhismaha. Arintaasi ilaa wakhtigan uma hayaan wax fasiraad ah.
 
Arrin kale waxay ahayd gabadh Maraykan ah ayaa ku riyootay in ninkeeda (Jhonson) oo lahaa dukaan kabaha lagu iibiyo ay dagaalamayaan nin kale, isla markaana ninkii kale ka guulaystay ka dib markii uu mandaraq madax kaga dhuftay dhawr jeer, sidaasina uu ku dhintay .
 
Ninkii dilayna wuu baxsaday. Gabadha ayaa hurdada ka soo booday una oroday dhinaca dukaankii ninkeeda laakiin waxay si dhab ah ula kulantay wixii ay riyada ku aragtay, oo ah ninkeedii oo mayd ah.
 
Markii ay arinkan ka warantay, Booliiska ayaa gabadh weydiiyay sifooyinka ninka ay riyada ku aragtay. Waxase yaab noqotay in booliisku soo qabteen ninkii sifaadkii ay sheegtay lahaa, lana tusay, waxayna  tidhi “ Haa kaasi ayuu ahaa kii aan arkay ee mandaraqa ku dhuftay” . Isaguna markii danbe qirtay dilka.
Arrimahani ayaa ku noqday wax aanay weli fahmin oo ay ku wareersan yihiin. Sidaasi ayay riyadu u burburisay  wixii ay hore u aaminsanaayeen oo ah in aanay ka warmin mustaqbal ee ay ka waranto wixii hore usoo maray maskaxda.
 

Leave a Reply