Arooskii Maydka: Xafladdii Aroosk Ee Yaabka Lahayd

0
353

Xafaladaha arooska kuwo badan oo yaab leh ayaa dunida ka dhaca. Dalka Shiinaha wiil lagu magacabo Pei iyo gabadh lagu mgacaabo Lein oo is guursaday ayaa u duulay iyagoo raacay dayuurad Helicopter ah magaaladii Arooskoodu ka dhici lahaa.
Halkaasi oo ehelada lamaanuhu ku sii diyaariyay xafaldii aroooska. Nasiib darro intii ay dhexda dayuuraddu ku sii jirtay ayay burburtay, oo ay lamaanihii arooskooda diyaarka loo sii ahaa halkaasi ku dhinteen.
Waalidiinta lamaanahan aya goostay inay dhamasytiraan  xafaladda arooska iyagoo si fudud dadka ugu sheegay in la dhamays tiri doono xafaldda arooska inkasta oo ay lamaanihii shilka dayuuradda ku dhinteen.
Waxaana yaab noqotay in labadii mayd la keenay  iyagoo xabaashii lagu aasayay dusheeda lagu qabtay xafladii arooskooda. Gabadha maydkeeda ayaa loo soo xidhay dharkii loogu sii talo galay arooskeeda, iyadoo sidaasi la mid ah ninkana loo soo xidhay dharkiisii iyagoo lbaduba mayda ah aya la is Barbara dhigay.
Waxay ahayd xaflad geeri ah oo haddana faraxad iyo miisi dhinaca kale ka socday. Ubixii arooska aya la dhigay xabashooda.  فسبحان الله  Waxay ahayd xaflad maydkii la aroosay. Waana dhaqanka dadka aan diinta lahayn.

Leave a Reply