Guddida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Bilaabayaan Wacyigelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

0
341

“Guddida  Doorashooyinka Qaranku Wuxuu Diyaar u Yahay  Inuu Kaalin Weyn ka Qaato Isku Soo Dhaweynta Khilaafka Siyaasiga ah ee Ku Saabsan  Maalinta Doorashadda la Qabanayo”

 

Hargaysa (Dawan):  Gudidda doorashooyinka  qaranka ee Somaliland ayaa shaaciyay in maalinta Isniinta ah ee  21-ka bishan July ay   si rasmi ah u bilaabayaan wacyigelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, kana bilaabayaan   gobolka Togdheer.

  Komishanka  doorashooyinku, waxay sidaasi ku sheegeen   shir jaraa’id oo ay shalay   ku qabteen  xaruntoodda.  waxa kale oo ay ka hadleen sidii loo soo af-jari lahaa  muranka  siyaasadeed ee ka dhex-taagan xukuumadda, golaha Guurtidda iyo axsaabta qaranka ee la xidhiidha xilliga la qabanayo doorashooyinka, iyo arrimo kale.

 

 

Guddoomiyaha  gudidda doorashooyinka   C/qaadir Iimaad Warsame, waxa uu ka waramay  marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay  sidii dalka looga qaban lahaa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyo si loo gaadho in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

C/qaadir Iimaad Warsame, waxa uu sheegay in dastuurka jamhuuriyadda Somaliland  iyo xeerarka doorashooyinku ay si cad u qeexayaan  in gudiga doorashooyinku ay leeyihiin  masuuliyadda cayimadda wakhtiga ay dalka ka qabsoomayaan doorashooyinku.

 

 Hase  yeeshee soo jeedintoodii ay hore madaxweynaha ugu gudbiyeen in ay doc-faruureen  go’aankii ay golaha Guurtidu ku laaleen  wakhtigii ay u qorsheeyeen in diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinkuba ay dalka ka qabsoomaan. Kadib markii ay muddo kordhin u sameeyeen muddo xileedka   madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaynu  hore u wadda ogayn in taariikhdu markii ay ahayd, 9-kii bishii April ee sanadkan 2015, ay komishanka doorashooyinka qaranku u gudbiyeen madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland barnaamijkii diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, oo shardi u ahaa in ay dalka ka qabsoonto  doorasho xor iyo xalaal ah. Sida uu tilmaamayo sharciyadda qodobka 28-aad  ee xeerka diiwaagelinta cod-bixiyeyaasha, ee xeer NO.  37, oo  2007-dii soo baxay. Kaasi oo  odhanayay,  madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xiliga la bilaabayo  diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha    uu qarankani leeyahay, isagoo ku soo saaraya  xeer madaxweyne ama digreeto. Kadib marka uu hello soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka, waxaanu ku soo saarayaa muddo 15-maalmood gudahood ah, sida uu xeerku siinayo.

Madaxweynuhu wuxuu soo saaray digreeto, isagoo ka duulaya soo jeedintayadaasi, 12-kii bishii April  2015-ka. Sidoo kale gudidda doorashooyinka qaranku,  waxa uu cayimay maalinta ay farsamo ahaan qaban karaan doorashooyinka  soo socda ee madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda ee isku lamaan. 20-kii bishii April, 2015-ka, taariikhdaasi oo ku beegnayd  1-da bisha June  2016-ka. Iyagoo fulinayay waajibaadkoodda  sharci ee ku xusan qodobka 8-aad  ee xeerka NO. 20, ee doorashooyinka, taais oo dhigan sidan soo socota:

Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa cayimaya,  taariikhda la qabayo  doorashooyinka si waafaqsan  dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo iyada lafteedu  ku soo bixi doonta digreeto madaxweyne.”

 

“Haddaba, waxaynu wada og-soonahay, 11-kii bishii May  ee 2015-ka in golaha Guurtidu ay soo saareen go’aan ay ku laaleen soo jeedintii komishanka doorashooyinka qaranka, waxaanay muddo kordhin u sameeyeen  madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda ay ka dhigeen, April 2017-ka. Waxa kale oo taasi ka danbaysay gogoshii uu madaxweynuhu u fidiyay saddexda xisbi qaran.

 Sidaa  daraadeed,  isagoo gudiga doorashooyinka qaranku  qadarinaya geedi socodka dimoqraadiyadda  Somaliland, nabadgeliyadeedda, hanaanka doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyaha, waxa ay go’aansadeen gudidda doorashooyinka qaranku, in khilaafka siyaasiga ah ee ku salaysan xiliga doorashadda in aan khal-khal la gelin, ama aanu khal-khla naga gelin, dib-u-dhacna aanu ku samaynin  qabashadda diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, oo aanu ugu tallo galnay in ay bilaabanto  dhamaadka bishan aynu ku jirno ee July 2015-ka” ayuu yidhi C/qaadir Iimaan.

 

Mar uu ka hadlayay wakhtiga ay bilaabmayso wacyigelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo gobolka ay ka bilaabmayso, waxa uu yidhi “Maanta (shalay)  oo ay bishu tahay 19-ka bisha  July, sanadka 2015-ka, waxaanu idiinku yeedhnay in aanu halkan idiinka cadayno, in aynu hadda soo gaadhnay xiligii aanu si rasmi ah u bilaabi lahayn hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha,  oo ku beegan 21-ka bishan aynu ku jirno ee July sanadkan 2015-ka.

Sidii aan hore u iclaaminay, oo aasaaskeedu yahay,  bilawga wacyigelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, tijaabinta qalabka diiwaangelinta, in la geeyo goobaha aan magaalooyinka ahayn, si loogu  kalsoonaado in qalabku meel kasta ku shaqayn karro, Miyi iyo magaalaba.

Gudigga  doorashooyinka  qaranku, wuxuu wacyi   gelinta  diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha  ka bilaabi doonaa gobolka Togdheer, oo noqonaya gobolka ugu horeeya,  Waxaananu ka bilaabi doonaa 21-ka bishan July  ee sanadkan 2015-ka.      

Dhinaca kale Md. C/qaadir, waxa uu sheegay in  gudidda doorashooyinku ay  diyaar u yihiin in ay kaalintoodda  ka qaataan isku soo dhaweynta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya axsaabta mucaaridka ah, xukuumadda iyo golaha Guurtidda,  eek u saabsna wakhtiga la qabanayo doorashadda.  

Waxaanu yidhi “Hadaba, gudiga doorashooyinka qaranku wuxuu diyaar u yahay, in uu kaalin weyn ka qaato isku soo dhaweynta khilaafka siyaasiga ah ee ku saabsan maalinta doorashadda la qabanayo, si aynu u helno doorasho xor iyo xalaala ah.”

 

 

Gebagebadii C/qaadir Iimaan Warsame, waxa uu mahad naq u jeediya xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka, shacbiga, saxaafadda, iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ah, sida wanaagsan ee ay  gudidda doorashooyinak uga shaqeeyaan hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyehaasha.

Waxaanu qaadhaan-bixiyeyaasha u soo jeediyay in ay sii kordhiyaan  taageeradda iyo  wada shaqaynta  ay la leeyihiin Somaliland gaar ahaana gudidda doorashooyinka.  “Gudiga doorashooyinka qaranku, waxa uu u mahad naqayaa, xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka,  shacab weynaha Somaliland, sida ay noola shaqeeyaan ee ay noo garab taagan yihiin, ee noogu kalsoon yihiin,  iyo sidoo kale saxaafadda madaxa-banaan, sida  aad  kalsoonidiina  noo siiseen, gudidda doorashooyinkana aad ula shaqaysaan, hawlaha ay wadaana ay ugu taageersan yihiin.

Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah,  ee inaga caawiya diiwaangelinta iyo doorashooyinka jamhuuriyadda Somaliland, waxaananu ugaga mahad naqaynayaa sida wanaagsan ee ay ula sahqeeyaan gudidda doorashooyinka qaranka. Waxaananu u soo jeedinaynaa in ay wada shaqayntoodda sii kordhiyaan, si aynu u gaadhno u jeedadd ah in la hello doorashooyin xor ah, oo xalaal ah” ayuu yidhi guddoomiyaha gudidda doorashooyinku.

 

  Sidoo kale waxaa   shirkaasi  jaraa’id ka hadashay Marwo  Kaltuun Sheekh Xasan, oo tirsan xubnaha gudidda doorashooyinka, waxaanay  faahfaahin ka bixisay  muhiimadda ay  bulshadda u leedahay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo sidoo kale ciqaabta uu madanayo qofka lagu hello in uu  is-diiwaangeliyay wax aka badan  hal mar.   “Diiwaangelintu waxay muhiim  u tahay in ay dadku fahmaan, u jeedadda iyo  muhiimadda ay diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu  u leedahay, si loo suurto-geliyo wacyigelinta diiwaangelinta, komishanka doorashooyinku wuxuu diyaariyay barnaamijyo qayb ka ah   geedi socodka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, oo loogu tallo galay in lagu marro, laguna wacyigeliyo  dadweynaha, in ay isku diyaariyaan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Xeerka diiwaangelinta cod-bixiyeyaashu wuxuu dhigayaa, in aan doorashadda lagu geli Karin  diiwaangelin la’aan, waana in uu qofku maalinta doorashadda la yimaado, kaadhka codaynta. In la hello doorasho xor iyo xalaal ah, waxaa suurto-gelinaysa  in la hello  diiwaangelin si fiican loo qabtay. In lagu joojiyo  dadka codeeya  wax ka badan hal mar, waana gef   in uu qofku dhawr jeer ocdeeyo. Markaa waa in ay dakdu fahmaan u jeedadda aynu  u samaynayno diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha”.

Waxaanay intaasi ku dartay, “Waxa kale oo aanu bulshadda u sheegaynaa in qofka lagu hello  in uu laba jeer, am aka badan is-diiwaangeliyay   oo qalabka diiwaangelintu qabanayo, ciqaabta uu mutaysan doono. In bulshadu ay ogaato cid ay ka reeban tahay in la diiwaangeliyo. Wacyiyelintu waxay u dhici doontaa qaabab kala duwan, si loo gaadhsiiyo wacyigelinta diiwaangelinta gobol kasta oo diiwaangelinta laga samayn doono.

 

 Waxaa  si toos ah u fulin doona hawsha wacyigelinta, komishanka doorashooyinka qaranka, oo la kaashan dona ururadda bulshadda rayidka ah, qaar ka mid ah, iyo saxaafadda oo ah halka la marinayo, si ay bulshadda u gaadhsiiyaan, axsaabta qaranka oo iyagna qayb ka qaadan doona, iyo kooxo muhiim ah oo bulshadda wacyigelin kara, ama wax laga qaadan karro. Waxaanu soo dhawaynaynaa cidkasta oo diyaar u ah in ay nagala shaqayso hawsha wacyigelinta cod-bixiyaha. Waayo, taageeradda waanu u baahan nahay” ayay tidhi marwo Kaltuun Sheekh Xasan.

Leave a Reply