“Halkaa Wanaagsan Ee Maanta Dalku Marayo Waxa Gaadhsiiyay Xisbiga KULMIYE”

0
401

Hargeysa(DAWAN):- Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland  KULMIYE  ee dalka Ingiriiska  Xariir Xirsi Ader,ayaa sheegay in  xisbiga KULMIYE intii uu talada dalka hayay uu gaadhsiiyay guulo waawayn oo la taaban karo  iyo horumar dhan walba ah.
Guddoomiyaha KULMIYE ee UK waxaa kale oo uu intaa ku daray in xisbi xaakimka uu guddoomiyaha uga yahay Ingiriisku uu yahay  xisbiyada  Somaliland  xisbiga ugu awooda iyo taageerayaasha badan dalka Ingiriiska iyo dalalka kale ee Yurub,waxaanu sidaa ku sheegay maalintiii Ciidal-fidriga oo uu dalka yimi laguna soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee  Cigaal.
Guddoomiye Ader oo markii uu  madaarka Caasimadda ka soo degay ay ku soo dhaweeyeen hoggaanka sare ee KULMIYE iyo dadweyne  badan oo ka  mid ah taageerayaasha xisbiga ayaa ugu horrayn waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka bulshada ee xisbiga KULMIYE  Saalaxa Idirs Shiine oo dalka ku soo dhaweeyay guddoomiye Ader.waxaanu yidhi. “ Waaxnu maanta oo Iida ah  kusoo dhawaynaynaa Garoonka Cigaal  gudoomiyaha Wadanka Uk Ee Xisbiga Kulmiye Xariir Xirsi Ader waxaanu ku leenahay guddoomiye ku soo dhawow waddankaagii hooyo oo nabada ah mar labaad iyo mar sadexaadba waxaanu ku leenahay soo dhawow.”
Xoghayaha Guud ee KULMIYE Xasan  Siciid Yuusuf oo hoggaaminayay masuuliyiinta KULMIYE ee madaarka ku soo dhaweeyay oo krlmsdo soo dhawayn ah ku qaabilay guddoomiyahooga UK ee dalka soo gaadhay,ayaa yidhi.
“Guddoomiye waxaanu ku leenahay soo dhawoow oo ku soo waddankaaga hooyo waxaad noo timi maalin  khayr  leh oo Ciid ah markaa maanta waa laba farxadood mid waa Iidda ta kalena  waa imaanshiiyahaaga oo aanu aad ugu faraxsanahay.”
 
Ugu dambayn waxaa ka mahad celiyay soo dhaweynta balaadhan ee xisbigiisu ku qaabilay Guddoomiyaha la soo dhaweynayay kana hadlay halka ay dalka gaadhsiisay Xukuumadd KULMIYE ee talada haysaa.
“Fursadan Anoo Ka Faa’iidaysanaya waxaan halkan ka salaamayaa guud ahaan ummadda reer Somaliland oo aan leeyahay ciid wanaagsan gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE gudo iyo dibadba,waxaanan si gaar ah ugu mahad naqayaa masuuliyiintiinan isoo dhawaysay,waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay halkaa wanaagasn ee maanta uu dalku marayo iyo horumarka dhan walba ah ee ka muuqda oo ALLE ka sakow uu gaadhsiiyay KULMIYE,Xisbiga KULMIYE asxaabta Somaliland ka jirta waa xisbiga ugu taageerayaasha badan dalka UK iyo guud ahaan  qaarada Yurub waxaana naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan iyo isku duubnaan.”
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply