Jarmalka: Xabaal laga Xaday

0
339

Jilaagii filmida cabsida badana ee Jarmalka aha Fruider Mornard oo dhintay 84 sano ka hor , caana ku noqday filimkii uu metelayay sanadkii 1922 ee lagu magacaabi jiray Tosfirato, kaasi oo lagu daray 10-ka filim ee ugu cabsida badan dunida ee la sameeyay aya qabrigiisa bishan Julay laga xady lafahiisa qaar ka mid ah.
Sida ay sheegeen ciidanka amaanka Jarmalka waxa la xaday dhudhumadii ninkan intii u dhaxaysay 5 – 12 bishan July isagoo qabrigiisu ku yallay koonfurta galbeed ee magaalada Berlin. Waxana la sheegay in arintani ay ku lug leedahay arrin diimeed aaminaad ah maxa yeelay waxa qabriga dushiisa laga helay shamacyo la shiday, isla markaana wax dhibaato ah looma geysan labad qabri ee ku xidha oo ay ku aasan yihiin walaaladii. Maaha markii ugu horaysay ee falkani ku dhaco Xabashan, waxaana la sheegay in sanadkii 1970  uu qof isku deyay in maydkiisa gebi ahaantiisba xado laakiin Booliiska ayaa arrinkasi ogaaday oo badbaadiyay. Mornad aya ku dhintay shil ka dhacay dalka Maraykanka sanadkii 1931. Waxana uu soo saaray  21 filim .
 

Leave a Reply