Mucjiso: Geedka Cuna Adhiga

0
366

 Beerta Ururka British Royal Garden ee ku talla gobolka Weiles  ee dalka Ingriiska aya raynaysa inay soo jiidato daawadayal badan kuwaasi oo doonaya inay arkaan geedka cuna Adhiga.
Geedkan ayay jimciyaddu ka shaqaynaysay muddo 15 sano ah, waxaana lagu magacaaba “Boya Celinsaz”.
Runtii maaha mid cuna hilibka Idaha ama hilib kale laakiin waxa loogu magacaabay geedkan aya leh qodxan iyo jirid caaro dhuuban.
Jiriddaasi ayaa haddii ay u dhowaadaan Adhigu dhogortooda qabsada taasi oo aanay sinaba iskaga goyn karyan halkaasina ay ugu dhintaan gaajo iyo haraad.
Warbixin ku saabsan geedkan oo lagu daabacay bogga “Bobsaa” aya cadaysay in geedka “Boya Celinsaz” uu yahy nooc dhireed leh cajaa’ibaad xad dhaaf oo haddii ay usoo dhowaadaan deegaanka geedkani ku yallo Adigu uu si dhakhso ah ugu dhigo dhogorta Adhiga. Waxaana la sheegay in geedkn asal ahan laga keenay dalka Chile oo ku yaalla Latin America.

Leave a Reply