“Shacabka Somaliland Wuu Ka Gudbay Wakhtigii Dagaalada Sokeeye” Wasiir Warancadde

0
271

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Warancadde iyo Wefti uu hogaaminayo,ayaa shalay socdaal nabadayn laba beelood ah ugu baxay gobolka Sool.

Socdaalka Weftiga Wasiir Warancadde hoggaaminayo,ayaa la xidhiidha soo af-jarida iyo nabadaynta shaqaaqo dhimasho sababtay oo 2-dii bishan ka dhacday tuullada Guumays ee gobolka Sool  ka dib markii laba beelood oo ood wadaagna ahi ay dil  iyo dhaawac aano hore daba socda isugu geysteen gudaha tuullada Guumays.

Warancadde   oo shalay kula hadlay Warbaahinta Hargeysa intaanay bixin,ayaa sheegay in guud ahaan dalka Somaliland  uu yahay ammaan isla markaana aanay ka taagnayn mushkilad nabad gelyada dalka looga baqo oo ka jirtaa.

Wasiirku Waxa uu  intaa ku daray  in la soo dhaafay lagana soo gudbay dagaal beeleed iyo qabiil qabiil la isku dilo,  laakiin ay dhici karto in ay mararka qaarkood ay dhacdo shaqaaqo daba socota aanooyin hore oo aan lagu kala bogsan taana waxaa uu balan qaaday ka Xukuumad ahaan in ay dhamaynayaan cid kasta oo wax kala tabanaysana ay nabad ku dhammaynayaan arrinta dhex taalla.

Cali Warancade oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “maanta (shalay) waxa aan u amba-baxaynaa gobolada bari waxaanan  tegi doonaa magaalada Guumays oo shaqaaqo ka dhacday dhawaan oo runtii  muddo badan dhibaato iyo aanooyin ka dhaceen markaa waxa aan doonaynaa in dadka halkaa deggan ee deegaanka ah sidii bogooda burcad aanu isugu  marin lahayn dhibaatooyinkii hore ee dhexyaalayna aanu u dhamaystiri lahayn waxaana tegi doona aniga iyo wefti balaadhan oo aan hoggaaminayo muddana waan ku maqnaan doonaa waxaanan rejaynaynaa in hawshaasi  guul noogu soo dhamaato.”

Wasiir Warancade  oo ka hadlayay sida dalku uga gudbay dagaalo sokeeye oo ka dhaca ayaa yidhi.           “Waxaynu la soconaa dalkeennu waa nabad shacabka Somaliland wuu ka gudbay wakhtigii ay dagaalada sokeeye iyo dhibaatooyinku jireen hase yeeshee waxa inagu hadhay aanooyin qabiil oo u dhexeeya beelaha qaar oo dhibaatooyin dhacaan hawlahaasina waxa ay u baahan yihiin in dadkeenu ka feejignaadaan oo aanay gacan siinin gacan ku dhiiglaha waxa kale oo ka mid ah kuwa gacan qabta ee taakuleeya gacan ku dhiiglaha sidaa awgeed waxa aan umadda Somaliland khaas ahaan gobolada bari oo aanooyinku ku badan yihiin  ugu baaqayaa in aanay fidnada halkeeda dhaafinin oo aan loo hiilin qofka daalinka ah oo aanay qarin gacan ku dhiiglaha oo ay gacanta u soo galiyaan ciidamada amniga.”

Leave a Reply