Dhismaha Rug Boolis Oo laga Hirgelinayo Deegaanka Toqoshi Ee Degmada Saylac

0
284

Saylac (Dawan)- Maayarka Degmadda Saylac Xuseen Barkhadle Iidle iyo taliyaha qaybta degmadda Saylac Kabtan Xasan Cabdisalaan Yuusuf ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha rugta booliska ee magaalada Toqoshi.

Munaasibad loogu talo-galay dhagax dhiga rugtaasi ayaa lagu qabtay magaalada Toqishi, waxaa ugu horeyn ka hadlay taliyaha qaybta goboka Salal dhamme Xasan Cabdisalaam Yuusu, waxaanu  golaha deegaanka ee degmaddaasi ku ammaanay sida firfircoon ee ay mar kasta ula garab taagan yihiin wax u qabashada ciidanka Booliska, isagoo uga mahadnaqay dhagax dhiga dhismaha rugta Booliska ee magaalada Toqoshi.”

Taliye Xasan Cabdisalaan Yuusuf   waxa kale oo uu sheegay inay hore u dhagax dhigeen maamulka golaha deegaanka, dhismaha laynka booliska oo lagu kordhiyey guryo cusub iyo waliba dhismaha rugta booliska ee magaalada Cabdiqaadir.

Maayarka degmadda Saylac Mudane Xuseen Barkhadle Iidle ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasibadaasi dhagax dhiga ah, waxaanu yidhi “farxad bay ii tahay inan maanta si rasmiya u dhagax dhigno dhismaha rugta booliska ee Toqoshi, koley waa xil na saarnaa, oo hadh iyo habeen ba waanu u shaqaynaynaa umadda waana waajib mar kasta na saran.”

Maarayka degmada Saylac waxa kale oo uu balan qaaday hirgelinta dhisme cusub ee Ceelgaal oo iyadana dhawaan la bineyn doono, maayar Xuseen Barkhadle waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay deegaan ahaan u leeyihiin dhismayaashani iyo waliba in la wada ilaashado isagoo soo dhaweeyay horumar kasta oo laga hirgelinaayo guud ahaan degmadda Saylac.

By: Maxamed Cawaalle

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply