Cadan oo Weerar Xooggan ka Socdo

0
288

Weerar culus ayaa ka socda magaalada Cadan ee Yemen labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Waxaa la sheegay in weerarka lagu dilay  ugu yaraan 43 qof ilaa boqol kalena lagu dhaawacay duqeyntii Axadii.
War laga helay shaqaalaha caafimaadka, ayaa sheegaya in ugu yaraan afartan iyo seddex qof oo rayad ah ay ku dhinteen weerarada.
Habeenimadii  Axadii maleeshiyo taageersan dowladda ayaa isku dayay inay qabsadaan meeshii ugu danbaysay ee Xuutiga ay magaalada ka haysteen ee gacanka Tawahi, laakiin waa ku guuldaraysteen.
Toddobaadkii hore mucaaradka ayaa meelo badan ay ka qabsadeen ciidamada taageersan dowladda.
Wasiirada dowladda ee Sacuudiga u cararay ayaa ku soo noqonayay magaalada, inkastoo madaxweynihii uu wali joogo Sacuudi Arabiya.

Leave a Reply