Qisada: Wiil Ka Badbadaaday Dhul Gariir Halis Ahaa

0
329

Sanadkii 1989 dhul gariir socday 4 daqiiqo oo keliya kana dhacay dalka Maraykanka ayay ku dhinteen Kumanaan qof, iyagoo tiro kale oo badan uu soo gaadhay dhaawac weyni. Waxa kale oo ku burburay dhismayaal badan.
Ka dib dhul gariirka aabe uu wiilkiisu dugsiga ku maqnaa ayaa degdeg ugu dhaqaaqay dhinaca dugsiga si uu uga war doono una soo badbaadiyo wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Arman.
Laakiin markii uu gaadhay goobtii wuxu la kulmay dugsigii oo burburay. Markaasi ayuu xusuustay odhaah uu ku odhan jiray wiilkiisa oo ah mar kasta oo aad kaalmo u baahato waan iskaa garab taagi.  Ka dibna wuxu qiyaasay goobtii fasalka wiilkiisa wuxuuna ku bilaalbay in qodo oo ka guro dhagxanta  sii uu isugu dayo inu badbaadiyo ama uu arko maydkiisa.
Waxa soo gaadhay waalidiin kale iyagoo qaylinaya isagoo oo qodaya goobtii oo dhagaxantii ka guraya.
Markii ay arkeen sida dhismuhu u burburay ayay ku yidhaahdeen “ Maaxd iska daalin wakhtigii wuu dhacay oo way dhinteen”.
Lakiin aabahani uma joojin wuu iska watay waayo wuxu rabay haddii aanu helin nolol inuu geeridiisa arko. Ciidanka badbaadinta laftigooda ayaa u sheegay inuu iska dhaafo hawshan adag ee uu hayo waayo ma jiraan ayay yidhaahdeen cid ka nabad gashay.
Aabahan ayaa hawshiisa waday 8 saacaood, oo aanu natiijo gaadhin haddana wuu sii waday ilaa uu gaadhay 16 saacadood. Markii uu gaadhay 38 saacadod ayuu odaygu dhagax weyn ka qaaday goob dhulka ah oo dilaacady oo dhagax weyn isku daboolay , markaasi ayu maqlay codkii wiilkiisa waxa uu ku dhawaqaay Arman.. Arman… waxaan uu ugu jawaabay hee Aabe waaniga halkan ku jira.
Aabaha ayay ka timi oohintii faraxda ahayd.. waxaana uu soo saaray wiilkii.. Wiilka yar ayaa yidhi aabo waad kaga dhabaysay balankaagii. Dadaalka iyo dhiraarantu aan niyad jabka lahayn ayaa badaadin karta qofka aan Allah (sw) ugu talo gelin inuu dhinto

Leave a Reply