Wax Kabaro Dareemayaasha Dhadhanka Iyo Siday Caafimaadka Qofka Uga Qayb Qaataan

0
495

Washington (Madadaalo)- Marinka Cuntada (Hunguriga) ee Nooluhu waxa uu awood u leeyahay inuu qabto waxyaabaha sunta ah ee ka gudbaya waxaana laga yaabaa inuu qabto hawl uu ku dhimayo khatarta ay suntaasi gaysan karto.
Khubaro Maraykan ah ayaa cilmi-baadhis ay sameeyeen ku ogaaday xidhiidh ka dhexeeya arrintan iyo dareemayaasha ku yaala hunguriga kuwaas oo dareemaya qadhaadhka cuntada iyo marka uu kordho dheecaanka hoos-udhiga bur-burinta cuntada. Dhibaatada uu gaysto dheecaankan ayaa ah inuu yareeyo heerka wax-cunidda ee qofka, waxaana laga yaabaaba inuu innagu sababo cuntada oo aynu cuni kari wayno.
Culimadan oo baadhitaankooda ku qoray jariiradda la yidhaa Clinical Investigation, waxa ay sheegayaan in sidoo kale dawooyinka dhadhankoodu macaanka yahay ay leeyihiin saamayn xad-dhaaf ah.
Bani’aadamka iyo xayawaanada kaleba waxa ay iska shabbahaan nicitaanka waxyaabaha dhadhankoodu qadhaadhka yahay, waxaana taasi xaqiiq u ah sunta ku jirta qaar ka mid ah dhirta dabiiciga ah oo leh dhadhankan oo kale.
Waxa hore loo ogaaday in dareemayaasha dhadhanka ee carrabka ku yaala, kuwaas oo innaga caawiya inaynu ku kala garanno dhadhanka macaanka iyo qadhaadha, sidoo kalena ay ku yaalliin hunguriga.
Halka dareemayaasha dhadhanka ee carrabku ay farriin uga diraan maskaxda, kuwa ku yaala hungurigu waxa ay kaga shaqaysiiyaan dheecaano kiimiko ah oo ka qayb qaata cunto-burburinta.
Kooxdan Maraykanka ahi waxa kale oo ay ogaadeen in marka dareemayaasha qadhaadhka ee ku yaala hunguriga laga shaqaysiiyo, ay tani keento inuu samaysmo dheecaan la yidhaahdo Cholecystokinin oo shaqo ku leh xaddiga ay cuntada ee habdhiska dheef-shiidka uga gudba caloosha iyo sidoo kale marka uu xumaado abeteedka wax cunista.
 
 

Leave a Reply