Gudoomiyaha Degmadda Agabar Oo Ka Dayriyay Xaalad Abaareed Oo Ka Jirta Degaankaasi

0
352

Hargeysa (Dawan): Gudoomiyaha degmada Agabar oo ka tirsan gobolka Gabiley Md. Axmed Yuusuf Jaamac ayaa waxa uu ka dayriyay xaalad abaareed oo soo food saartay degaanada hoos yimaada degmadaas. gudoomiyuhu waxa uu sidaas ku sheegay waraysi gaar ah oo wargeyska Dawam ku siiyay magaalada Hargeysa.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in degaanada hoos yimaada degmada Agabar ay ka taagan tahay abaar waxyeelo ba’an ku haysa beeraha iyo xoolaha, ka dib markii aanay degaanadaas helin roobabkii.  “Deegaanka Agabar waa deegaan nabdoon, balse waxa ka taagan abaar naafaysay dad iyo xoolo-ba, abaartaasna waxa keenay roobkii ka da’i jiray oo yaraaday. Dhibaadani waxay haysataa beeraleyda oo dooxyadii biyo yaraani ku dhacday.”.
 
 
Gudoomiye Axmed Yuusuf mar uu ka hadlaayay baaqa uu ka jeedinaayay abaartan waxa uu yidhi “Waxaanu xukumada Somaliland iyo hay’addaha kala duwan halkan ugu gudbinaynaa baaq qaylo dhaan ah oo ku saabsan in loo saoo gurmado xaaladaa abaareed ee degaanadaas.”
 
 
Sidoo kale waxa  uu gudoomiye Axmed ka hadlay halka ay u badan tahay abaartani, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Dhibaatada abaartu waxay u badan tahay xagga beeraha oo aan haysan biyihii waraabka ahaa, aakiin xooluhu waxay wali sii haystaan baad yar oo ay ku sii noolaan karaan. markaa dhibaatada abaartu way dada saamaysay balse waxay u badan tahay beeraha”.
 
“Hargeysa waxaan u imid  hawl shaqo oo ay ka mid tahay in aan soo gudbiyo baaqaas qaylo dhaanta eek u saabsan abaarahaas ka taagan degmada Agabar.” Ayuu yidhi mar uu ka hadlayay  hawlaha shaqo ee uu gudoomiyuhu Hargeysa u yimid.
 
Gudoomiyaha  degmada Agabar waxa uu sidoo kale baaq u diray cidkasta oo gacan ka gaysan karta abaarahan ka taagan degmada Agabar.  Isagoo  arrintaas ka hadlaayna waxa uu yidhi “Shacabka ku dhaqan deegaanka xukumada Somaliland, shacabka reer Agabar gude iyo dibadba waxaan ugu baaqayaa in ay taageero ka gaystaan abaarahan soo wajahay bulshadoodii.”
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxa xaalad abaareed laga soo sheegaayay degaano kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo aanay ka da’in roobabkii.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply