Maxaad Ka Taqaanaa 10 Hub Ee Caalamka Soo Maray Illaa Haddana Aan Laga Maarmin?

0
357

Caalamka ayaa soo maray maraaxil kala duwan ,kaas oo keenay in uu soo maro hubko markaxaladaasi kuwo lamid ah iyo kuwo ka duwanba,waxaana hubkaasi ikhtiraacay dad kala duwan ,kuwaas oo siyaalo kala duwan wax loogu dili jiray ,waxaana laga bilaabay hubkaasi mindiyo ilaa la soo gaadhey maanta heer la samaysto Nuclear-ka hubka loo yaqaano.
Waxaan halkan kusoo qaadanaynaa 10 nooc oo kamid ah hubkaasi soo maray maraaxil kala duwan ,kaas oo ay isticmaalaan ciidamada kala duwani,waana noocyo kasoo dhex muuqday taariikhaha kala duwan.
Waxaanay hubkaasi kala yihiin :-
1:British Mark I Tank:hubkan waa nooc kamida taangiyadii la isticmaali jiray intii lagu jiray dagaalkii kowaad ee adduunka,,waxaanu ahaa taangigii ugu horeeyey ee taariikhda bani’aadmiga la sameeyey ,kaas oo lagu dagaal galo,waxaanu  ahaa mid sababay dhimashada ciidamo badan kaas oo maantana ka mid ah hubka la casriyey ee weli lagu dagaalamo.
2:Cannon Schwerer Gustav and Dora:hubkan waa mid kamida hubka uu soo saaray dalkaasi Jarmalku,waana mid aad uga soo qayb qaatay dagaaladii kala duwanaa ee uu dalkaasi Jarmalku soo galay,isaga oo ka caawiyey inuu Jarmalku ku guulaysto dagaalo badan.
Waxaanu noqday hubkani hubkii ugu badnaa ee dalkaasi u isticmaalay dagaalkii labaad ee adduunka,isaga oo meelo badan ku jabiyey,sidoo kalena waxa la yidhaahdaa waa hubka ugu badan ee khasaaraha ka geystay dagaalkaasi labaad ee adduunka.
3:Dead Bodies:waa hub aad u khatar badnaa,kaas oo in badan dagaalo lagu galay ,waana mid kamida kuwa maanta lafteeda lagu dagaalamo,waxaanu ka mid yahay hubka marwalba la casriyeeyo,iyada oo loo bixiyey hubkaasi Dead Bodies oo macnihiisu yahay jidhadhkii dhintay ,kaas oo loogu bixiyey dilalkii kala duwanaa ee uu geystay,waxaana ku le’day hubkaasi xayawaan iyo bani’aadmi labadaba,taas ayaana magaca loogu bixiyey,waxa kale oo uu sababay xanuuno dhulka cadowga uu ka geystay waqtigaasi .
4:Pumhart Von Steyr:waa hub laga isticmaali jiray dalkaasi Austria,waxaanay ciidamada dalkaasi Austria isticmaali jireen hubkaasi qarnigii 15-naad ,waxaanu hubkani sababay cabsida iyo firxadka ciidamadii dagaalka kula jiray ciidamada wadankaasi.
5:Monster Mortar:hubkan waxa inta badan isticmaali jiray ilaa maantana isticmaala ciidamada dalkaasi France,waxaanay noqonaysaa markii ugu horeysay ee ay isticmaalaan  sannadkii 1832 kii,waxaanay gaadhaysay culayska rasaastiisu 500kg.
Lasoco…………….
 

Leave a Reply