Ciida Xeeliga Badda Oo Khubarro Ka Digeen Bacteria Ku Jirta

0
366

Khubaro muddo baadhitaan ku waday ciida wabiyada iyo badaha ayaa sheegay inay ciida Badda xeeligeeda laga helaa ka bacteria badan tahay ciida caadiga ah ee dhulka,taas oo markii hore loo haystay inay ka bacteria yar tahay.
Daraasadan ayaa waxa sameeyey khubaro ka socotay jaamacad ku taala dalkaasi Maraykanka,waxaanay khubaradani sheegeen in ciidaasi tahay mid ay ka buuxaan waxyaalo yar yar oo ili ma qabatay ah,waana ciid ay aad u isticmaalaan dadka dalxiiseyaasha ah iyo dadka xeebaha inta badan u dabaal tagaa,waxaanay sheegeen khubaradani in bacteria-da ku jirta ciidaasi ay tahay mid khatar ah.
Daraasadan ayaa intii lagu jiray waxa ciido tijaabo ah laga soo qaaday xeebo kamid ah kuwa dalkaasi Maraykanka,gaar ahaana xeebaha Hawaiian,taas oo laga helay noocyo kala duwan oo Bacteria ah,waxanay badi ku nooshahay biyaha iyo ciida xeebtaasi,waxaanay khubaradani sheegeen in noocyada bacteria-dani yihin kuwo muddo dheer noolaan kara ,lagana heli karo xeebaha.
Bacteria-dan ayaa ah kuwo marka ay afka u gasho qofka keenta calool xanuun ,shuban iyo waxyaalo ale oo badna,kuwaas oo jidhka ku keena hoos u dhac badan.
Ciida baddaha ayaa ah kuwo muddo dheer jiri kara oo aanay dhiman waxyaalaha u noolikuwaas oo khatar badan ku haya caafimaadka  dadka,waxanay ku taliyeen khubaradani inay dadku markay ka tegayaan xeebaha si fiican u nadiifiyaan jidhkooda,biyaha baddana aanay afka ku kala dhex qaadin,taas oo khatar badan ku ah dadka awooda difaacoodu liidato.
 

Leave a Reply