Guddoomiyaha KULMIYE Oo Soo Dhaweeyay Qoddob Ku Jiray Qaraarkii Maxkamadda Sare

0
412

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay qoddob ku jiray go’aankii maxkamadda sare ee ka soo saartay dacwad ay labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID u gudbiyeen Arbacadii la soo dhaafay.

 

Sidaasna waxa uu Muuse Biixi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.

Waxa kale oo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.

 

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawl-galaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.”

 

 

Leave a Reply