“Waxa Habboon In Mucaaridku U Hoggaansamaan Dastuurka Dalka” Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta

0
437

Khadar M. Dhako

 

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta  ee Somaliland  Marwo  Shugri Xariir Ismaaciil,  ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo hogaansamo shuruucda iyo  dastuurka dalka u yaala, isla markaana laga fogaado in la soo celiyo waxyaabihii ay Somaliland hore uga soo gudubtay.

 

Shugri Xariir,  waxay sida ka sheegtay    hadal ay   Khamiistii todobaadkan ka jeedisay   munaasibadii gebagebaddda ee  shir lagaga hadlayay qorshaha shanta sanno ee socda ee wasaaradda warfaafinta   oo muddo labo cisho ah ka socday huteelka  Ambassador ee magaaladda  Hargaysa.

Wasiir ku xigeenka warfaafintu, waxay intaasi ku dartay in Somaliland ay ka soo gudubtay shir qaran, isla markaana ay imika leedahay dastuur ay si buuxda ugu codeeyeen dhamaanba bulshadda reer Somaliland. “Qofkee ayaa ogol in Somaliland 1991-kii  dib ugu noqoto,  bulshaddu waxay doonaysaa in ay hore u socoto in dib loo celiyo ma doonayso.  Markaa  waa in shuruucda dalka la ixtiraamo. Shirkii ugu danbeeyay ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay guriga hay’adda  shaqaalaha  dawladda ee magaaladda Hargaysa,  waxaa  lagu qoray iyadoo 500 oo ergay oo ka socday beelaha Somaliland ay fadhiyeen”ayy tidhi wasiirku.

 

Wasiir Ku xigeenku iyadoo  hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi  “Waxa aynu qaadanay dastuurka qaranka  Somaliland sanadkii 2000 waxa aynu u codaynay dastuurka markaa wax ina kala xadaynaya dastuurka qaranka oo bedelay Axdi-qarameedkii Somaliand ku soo socotay ee ay ku soo dhaqmaysay waxa badalay dastuurka dalka u yaala.  Waxaana  uu ka reebay wixii la odhan jiray shir beeleed waayo wixii baneeyay jidkii dimuqraadiyada iyo haykalka dawladnimo oo dhamaystiran hayadaha qaranka ayaa xaq u leh in ay abaabulaan shirarka qaranka oo dastuurku siiyay.”

Sidoo kale wasiir ku xixgeenku waxay sheegtay in xisbiyadda loo sameeyay si dumuqraadiyadda loogu tartamo, oo ay meesha uga baxdo qabyaaladda iyo beelaysigu.  waxaanay tidhi  “Haddii aynu Somaliland nahay,  xisbiyadda wxa aynu u samaysanay in si dumuqraadiyadda loogu tartamo,  mucaaridkuna waa muraayadii dawladda oo dawladu waxay qaladkeeda ka aragtaa waa mucaaradkeeda.  Mucaaradku  waa in waxa xaqiiqada ah ee jira ay sheegaan,   waa inuu soo bandhigaa mucaaradkana murayaadoodu waa bulshadda,  mucaaradkuna haddii uu wax macquul ah,  ku dhaliili waayo xukuumadda  waa muraayadii ay iska arkayeen oo way ka wasakhoobaysaa,  iskuna arki maayaan.”

Leave a Reply